Wasiir Ku Dhaliilay UNICEF Waxqabad la’aanta Caruurta Somaliland

June 17th, 2013 

Hargaysa (SM): Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad) ayaa hay’ada UNICEF ku dhaliilay in aanay wax taageero ah ka gaysan xuska maalinta carruurta africa oo shalay si balaadhan looga xusay Somaliland.

Maxamuud Axmed Barre waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad mar uu hadal ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta Carruurta Afrika oo shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu wasiir Garad sheegay in aanay hay’ada caalamiga ah ee UNICEF haba yaraatee wax tageero ah ka gaysan xuska maalinta caruurta Afrika, “waxa maanta meesha ka maqan hay’adii UN-ka u qaabilsanayd caruurta ee UNICEF, xafladaa aynu maanta (shalay) u qabanay xuska carruurta Africa ee 16 Juun 2013. UNICEF wax ale wax ay ku darsatay ma jirto, waa hay’ada keli ah ee caruurta u xil saaran daryeelkooda iyo xanaanayntooda” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, aya u soo jeediyay hay’ada UNICEF in ay ka qayb qaadato ilaalinta xuquuqda caruurta Somaliland isla markaana ay fuliso wixii waajibaad ah ee looga baahan yahay dhinaca arrimaha caruurta ee Somaliland.waxaanu yidhi “waxaanu UNICEF u soo jeedinayaa inay caruurta Somaliland xuquuqdooda ilaaliso, waxqabadkooda ilaaliso wixii waajibkaad kalena ay fuliso wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay xuquuqda bulshada reer Somaliland u leeyihiin inay beesha caalamka ka mid noqdaan in ay ictiraafaan oo ay xaqa u leeyihiin haddii xuquuqaha la dhan rayo”.

Somaliland.Org/Hargeysa