WASIIRADU WAA QOLOMA?????

WASIIRADU WAA QOLOMA?????

image

Caawa waxaan idiin ku soo bandhigayaa, sheeko, su aalo u badnayd oo nadhexmartay  dad badan oo reer somaliland ah.

Waana sababta aan faaladan  uqorayo,  faaladaydan  ciwaankaa idiin sheegaya.

Maanta markii lamagacaabay, wasiirada cusub  ee somailand ee xalay madaxwayne siilaanyo kuyidhi dadka ku waabariistaan,.

waxaan u fahmay in uu su aashan isna diidanaa, ah, wasiir ma noogu dartay kaayagii maxaad uriday..

Aroortii hore markii aan soo toosay,  ayaan waxaan helay telefoono aanan uga baran in ay aroortii I soo garaacan , , !! waan yaabay waxaan is idhi maxaa dhacay.

c/risaaq wasiirada yaad kagaratay? Ayay ahaayeen su aalihii iigu horeeyay, ee aan helaa?

Wasiirkii arimaha dibada, maxaa loo badalay?

Wasiirkii arimaha gudaha maan jecelayn ee hala badalo!!!!

Reer keena wasiiro, makaga jiraan?

Reer hebel madaxwaynuhu muxuu wax isiin waayay?

Saaxiibaday iyo dadkaloo ay saaka uun iigu horaysay, waxaan kawaayay waxay markasta I waydiiyaan,,waan yaabay, !!!!

Si aan uhelo, jawaabta ay saaxiibaday iga doonayaan,, waxaan la soo hadlay somaliland iyo hargaysa wariya yaal aan aqaano, iyo dadkale.

Waxaan ku bilaabay, isku shaandhayntan dadku siday u arkee?

Reer hebel kama dhex muuqdo, kan kale lakeenay waxba dhacdanmaayo, waa intii hore oo reeraha uun baa laqancinayaa.  Iyo jawaabo kaloo lamid ah.

Waxaan booqday, web, aan kutuhunsanaa reer nimo, iyo hebel jacayl, dhawr wasiir oon doonayayna halkaas baan ka gartay..

 

Indhahayga, waxaan soo jiitay, 3 wasiir,  oo dadbadani  shaqadooda la dhac sanaayeen,

Waa 2 wasiir oo markiiba markaad aragto madaxooga cad  wax kuu baxayaan,, wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka arimaha gudaha,,

Waxaa iiracay , wasiirada deegaan, shugri xaaji baandare,, oon ku bartay burco,

Waxaan ku xusuustaa shugri , kalmad ay nin cadaan ah oo haayad haysta  kutidhi 1997, ,

Wuxuu kuyidh halkan nolo suuragalmakatahay, iyadoo school  burco ka dhisaysa, waxay tidhi 1 sano kadib nagu soo noqo, kadab ayaan kaaga jawaabayaaye,.

Waran cade, waxaan ku baraty,  markii 1996 idaacadahargaysa dayrkeeda dhisayay,  waxaan ku xusuustaa , jaajuurka halxabo hadaad  noo heshaan nasiiya,, IYO  dadka  hargaysa jooga oo ugu heesay, SIDA  waran cadaa wax loo qabtaa,,,.

Wasiirka arimaha dibada ee somaliland mr maxamed biixi yoonis,   haayadaha uu la soo shaqeeyay, waxaa iiga muuqatay in uu garanayo luqada caalamka lagula hadlo, UN,  farwaawayn  wax ugu dhigi doono, lakiin shaqadan wasiirnimada somaliland  iyo baahida somaliland uqabto wakhtigaa  qori doona  siduu ula qabsado.

 

Wali maan helin jawaabtii saaxiibaday , iyo dadkale iga su gayeen, oo ahayd wasiiradu waa qolama?

Waxaa la I waydiiyaa markasta, c/risaaq warbaahintu maxay wax uga qoriwayday dhibaatada somaliland, waa digan wariyaha ahe, , maxaad wax badan dadka ugu sheegiwaydeen?!!!!

Waxaan ku jawaabaa , dadku waxay doonayaan baanu usheegnaa ee war baahintu waxay rabto ma sheeto..

Dadakii  ilaa maanta wax iwaydiinayay, ma jiro hal qof oo iguyidhi wasiir hebel shaqadiisaa fiican ,  iyo kartidiisa kawaran,,

Hadaan kajawaabo su aashii ahayd wasiiradu waa qoloma?  Waxaan leeyahay wasiiradu waa qoladiina,, shacabka somaliland  waxaan dib u waydiinayaa,   maxaad udiidaysaan waxaad doonaysaa?

Reer kastaa wuxuu rabaa wasiir qoladiisa ah, hadana waduu doonayaa, dhakhtar , jaamacad, horumar…

 

Dadka maxaan ugu qiimayn laanahay kartidooda,  adeerkaa wasiirka uu naco, adna hanicin ee xornoqo,  iskuday in aanad noqon   qof qof uxidhan , noqon qof dareenkiisa cabirikara , adoo dulman ha dabaal dagin.!!!!

Waa qalinkii c/risaaq axmed jamac