Wasiirrada Soomaaliya Oo Ansixiyey La-wareegidda Maamulka Hawada Oo Somaliland-na Ku Jirto

(SM-Muqdisho) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyey Hindise Sharciyeed ay u gudbiysay Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaadhsiinta iyo Gaadiidka, ka dib markii ay bishii hore Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan duullimaayada oo hawada Soomaaliya maamulaysay 22 sano ku wareejisay dawladda federaalka ah maamulidda hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Shirkii golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo khamiis kasta ay yeeshaan, isla markaana uu guddoominayey Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa lagaga dooday, isla markaana lagu ansixiyey dhawr qodob oo uu ka mid yahay hindise-sharciyeedka maamulka hawada Soomaaliya oo Somaliland-na qayb ka tahay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaadhsinta iyo Gadiidka Soomaaliya Cabdullahi Ciil-mooge Xirsi oo ugu horrayntii ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay sharciga duulista Cirka iyo saadaasha hawada, ayaa ku faanay inay Wasaaraddiisu ku guulaysatay inay dib ula soo noqoto maamulka hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 22 sano ka dib.

“Sharcigan waxa uu kaalin mug leh ka qaadanayaa dib-u-hanashada maamulka hawada Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha, abuuridda shaqooyin dalka gudihiisa ah, soo celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, iyo xirfadlayaal sare oo dalku yeesho, waxaa xusid mudan in Wasaaraddu ku guulaystay in ay dib-u-la soo noqoto maamulka hawada Soomaaliya 22 sano ka dib oo ay hore u maamulaysay Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan dhanka hawada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ciil-mooge.

 

Salaanmedia/Hargaysa/Office