WAX-GARADKA GALBEEDKA BURCO OO WASIIR XIRSI HORDHIGAY TABASHOOYIN ISBIIRSADAY IYO TOBANAAN XIL OO AY XUKUUMADDU SAD-BURSI U SIIYAY BARIGA

news-image1

Burco (SM)08/06/2013-Guux iyo Dareen muujinaya Saluug siyaasadeed oo Bulshada Galbeedka Burco ka qabto Xukuumadda Siilaanyo ayaa isa soo taraya, isla markaana si weyn looga dareemaaya magaalada Burco ee Xarunta u ah Gobolka Togdheer.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay Odayaasha, Wax-garadka iyo dhamaan Indheer garadka Galbeedka Burco bilihii ugu dambeeyay si weyn uga biyo diidsanaayeen Saami qaybsigii Maamulka Gobolka oo laga riixday iyo Xilal cusub oo lagu soo kordhiyay hay’adaha dawlada ee Gobolkaasoo lagu taxay Saraakiil ka soo jeeda Beesha madaxweyne Siilaanyo ee Bariga Burco.

 

Isuduwayaal lagu magacaabay Isuduwayaasha Goboladda Bari ee Hay’ada Dawlada ee Gobolka, taliyayaal cusub iyo Shaqaalaha Madaarka Burco ayaa la sheegay inay dhamaantood ka soo jeedaan Bariga Burco, taasoo ay weheliso Maamulka Gobolka oo labada qaybood ee Bariga iyo galbeedka hadba dhinaca Maayirka Magaalada qaata mooyaane dhanka kale qaadan jiray oo meesha ka baxay ka dib markii Madaxweyne siilaanyo dhawaan isku bed-bedelay Badhasaabada Goboladda.

Xubno ka mid ah waxgaradka Galbeedka Togdheer oo Baligubadlemedia la hadlay, ayaa sheegay in Shaqaalaha Madaarka burco oo ka kooban 37 xubnood, laba qof mooyaane inta kale ka soo jeedo Bariga,sidoo kalena Isudaha Caafimaadka ee Saddex Gobol ee bari, isudwaha Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada ee saddexda gobol Bariga, isuduwaha Kastamada ee saddexda gobo lee Bariga Agaasimaha Baananka ee Saddexda Gobol ee Bariga iyo Isuduwaha waxbarashada ee Goboladda Bariga oo ah Xilal aan hore u jirin ay dhamaantood ka soo jeedaan Bariga Togdheer.

Sidoo kale Xubnahani waxay tilmaameen in Dhawaan Gobolka loo soo magacaabay hogaan cusub oo Ciidanka Bilayska ah oo ka soo jeeda Bariga, si taasi la mid ahna Taliyaha Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka laga dhigay Sarkaal ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha, halka ay jiraan sidoo kale agaasime waaxeedyo kale oo iyagana Gobolka loo soo magacaabay oo Bariga ka soo jeeda, kuwaasoo qaarkood ku magacaabanyihiin saddexda gobo lee Bariga, qaarna gobolka Togdheer oo qudha.

Hogaanka cusub ee Bilayska Gobolka Togdheer loo magacaabay ayaa la sheegay in Todobaadkii hore Wasiirka Madaxtooyada geeyay Magaalada Burco, kaasoo magacaabistiisa guux iyo dareen hore lehi ka dhashay.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dareenada ka dhashay Talaabooyinka oo ay xukuumaddu qaaday saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay, isla markaana mudadaasi isbiirsaday ay sababeen Gar-naqsi natiijo la’aan ku dhamaaday Todobaadkii hore dabayaaqadiisii dhex maray Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Agaasimaha Xafiiska Siyaasada Madaxtooyada oo dhinac ah iyo xubno ka mid ah wax-garadka iyo Cuqaasha Galbeedka burco oo wasiir Xirsi iyo Agaasimaha u soo bandhigay tobanaan tabasho iyo saluuga ay ka qabaan siyaasada xukuumaddu ku wado gobolkan.

Garnaqsigan, ayaa la sheegay inuu bilaamay, ka dib markii Agaasimaha Xafiiska Siyaasada madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir uu tegay Aqalka Guddida Beesha galbeedka Burco, isagoo doonayay inuu u kuur galo halka u salka ku hayo guuxa iyo tabashada Beesha uu ka soo jeeda, waxaana sida Baligubadlemdia warka ku heshay uu kala kulmay waji gabax iyo diidmo ay kala horyimaadeen Cuqaasha iyo Wax-garadku, taasoo sababtay inuu dhakhso uga soo laabto Gurigaasi.

Xubno Goob-joog ahaa xiliga Agaasime Bashiir ay ku gacan saydheen inay war ka dhegeystaan odayaasha galbeedka Burco, waxay sheegeen in maalintii uu arintaasi la kulmay, dharaartii ku xigtay ay Cuqaasha iyo Waxgaradka Galbeedka Burco Wasiirka madaxtooyada kula kulmeen Hudheelka Plaza ee Magaalada Burco, una bandhigeen dhamaan arimaha ay ka cabanayaan iyo gol-daloolooyinka Saami-qaybsiga Maamulka Dawlada ee Gobolka ka tirsanayaan.

images

Kulanka Wasiirka Madaxtooyada iyo Odayaashaasi dhex maray oo sida la sheegay Garnaqsi aan waxba laysula hadhin ahaa ayaa Wasiir Xirsi ka garaabay waxyaabo ka mid ah arimihii halkaasi loogu soo bandhigay, isagoo ku andacooday inuu Madaxweynaha u gudbinayo.

Waxaana la sheegay in dhinaca Odayaashu ay wasiirka iyo xubnaha la socday dareensiyeen inay deegaan ahaan wax badan u dul-qaadanayeen Ficilada ay diidan yihiin, balse markii waxba laga bedeli waayay, ay go’aansadeen inay dib isugu noqdaan oo iyaguna talo ka gaadhaan, waxay ku tilmaameen Boobka Beesha Bariga loogu sad-burinayo ee Mansabyadii dawlada ee Gobolka oo ku dhisnaa Nidaam labada dhinacba heshiis ku ahaayeen.

Siday Baligubadlemedia u xaqiijiyeen xubno ka qayb-galay Kulankaasi oo dhacay Habeenkii Khamiistu soo gelaysay ee todobaadkii hore, Wasiirka Madaxtooyadu mawqif daaweeya Xumadda Odayaasha la kulmay kagamuu jawaab celin soo jeedimahoodii, balse waxa la sheegay inuu ku dooday inaan Khaladkaasi xukuumadda oo dhan dusha laga saarin Karin ee ay eedda leeyihiin Wasiiradda xukuumadda ee soo magacaabay Isuduwayaasha Beesha qudha ka soo wada jeeda, sidaasooy ay tahayna uu hadana si cad ugu bandhigi doono Madaxweynaha dhaaman waxay tirsanayaan deegaan ahaan.

“wasiirka wixii loo soo bandhigay runtii wuxuu kaga Jawaabay arin garowshiyo u muuqatay, waxaanu eedda saaray Wasiiradda saraakiisha isku beesha ah soo magacaabay, waxaanu yidhi Madaxweynaha ayaan arintaasi u bandhigayaa”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah xubnihii waxgaradka ahaa ee kulankaasi ka qayb-galay.

Si kastaba ha ahaatee dareenada ka soo baxaya Bulshada Galbeedka Togdheer, ayaa u muuqda mid rejo beel ka taagan siyaasiyiinta iyo xubnaha kaga jira Xukuumadda dhexe,waxaana jira hadal-haymo sheegaya inuu jiro shir weyne ay si hoose u abaabulayaan Odayaasha iyo waxgaradka arimahan ka biyo diidsan, kuwaasoo Wasiir xirsina u sheegay inay ka shirayaan xaalada Gobolka ka socota hadii aanay dhakhso xukuumaddu wax uga qaban.

Xigasho..rasmi
Burco