“Waxaan Gaadhay Wakhti ah in aan isdaba Qabateeyo, Adduunyadana aan uga Doodo Somaliland”

“Somaliland Inay Noqonayso Wadan Geeska Afrika laga yaqaano Waxay ka Muuqataa Dhalinyarada Jaamacadaha”

Hargaysa (Somaliland.Org): Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa markii u horaysay si cad u sheegay in mustaqbalka Somaliland iyo waxa ay noqonayso ay ka muuqato ardayda Jaamacadaha kala duwan ee dalka wax ka barta.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo u waramay telefishanka qaranka Somaliland ayaa waraysigaasi waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo dhinacyo badan taabanaya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin sababihii dhaliyay in xisbigii Hiil Qaran oo u tartamay doorashadii madaxtiniamda ee Soomaaliya sanadkii 2012-kii ku guulaysan waayo madaxnimada Soomaaliya, waxyaabaha keenay inuu ka hadho mabda’ii Soomaali wayn oo uu labaatan sano u ololaynayay.

Iyo sidoo kale in uu xilligan taageero qadiyada gooni isku taaga Somaliland, waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu kala soo kulmay goboladii uu soo maray iyo waxa ay ka bedeshay fikirkii uu Somaliladn ka haystay soo dahwayntii balaadhnayd ee loo sameeyay. Waxaanu Prof. Samater sheegay in mustaqbal Somaliland waxa ay noqonayso iyo sida ay wadan geeska afrika laga yaqaano ugu socoto laga dheehan karayo ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka.

“Jaamacadaha Somaliland intooda badana waan ka hadlay aad ayaanu u wada doodnay ardayda iyo su’aalihii la iswaydiinayay, mustaqbalka Somaliland waxa ay noqonayso iyo sida ay u soo korayso in wadan geeska Afrika laga yaqaano ay noqonayso waxay ka muuqata dhalinyarada Jaamacadaha kala duwan ee dalka dhigta oo aan ku soo arkay” ayuu yidhi Prof. Samater.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa waraysigaasi uu siiyay telefishanka qaranka Somaliladn waxa uu ugu horayn kaga war-bixiyay aas aaskii xisbigii Hiil qaran oo doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 202-kii uu isagu ugu tartamay jagada madaxwaynaha iyo sababtii uu ugu guul daraystay doorashadaasi.

Waxaanu yidhi “anigu horta waxaan ku horeeyay ma ahayn in aan siyaasi noqdo ee waxaan ku horeeyay cilmiga siyaasada iyo dhaqaalaha oo aan dersay, danta ummada Soomaalidu meel kastaba ha joogtee waad isku hawlaysaa marka halka ay kuu cadaato dhibaatooyinku halka ay ka imanayaan iyo mustaqbalku sida uu ku danbaynayo haddii aan wax laga qaban, dad badana waxay igula taliyeen tartanka madaxnimada wadanka in aan ka qaybgalo in ay lagama maarmaan tahay. Dad badan ayaa isku tegay xisbiga Hiil qaran la yidhaahdo ayaa la sameeyay, xisbiga anuu kumaan jirin laakiin dadkii aas aasay ayaan ka mid ahaa, xisbiga madaxdiisii ayaa isku tegay, markaa waxay soo saareen qaraar ah in aan anigu madaxnimada tartankeeda sanadkii 2012-kii aan uga qayb galo xisbiga Hhiil qaran, waanan ogolaaday dad badan oo karti badan oo daacad ah oo koonfur iyo waqooyiba ka soo jeeda ayaana ku jiray”.

Isaga oo ka hadlaya caqabadihii ka hor yimid markii uu xisbigii Hiil qaran doorashada galay waxa uu yidhi “Tartankii waanu ka qayb-galnay laakiin dhawr arrimood ayaa markiiba na hor yimid, kow waxa na hor yimid lacag oo musuqmaasuq ayaa codadka lagu iibsannayay 275 xildhibaan oo aan anigu ka mid ahaa, qof walba si gooni ah oo intooda badan la musuqmaasuqay oo ay reerihii isku haystaan oo lacag la kala qaatay ayay ahayd, markii doorashadii ay timidna qof kasta oo baarlaanka ku jiray waxay noqotay in lacag la iswaydaarsado oo codkii la iibsado. markaa anagu waanu diidnay in aanu lacag bixino oo aanu codka iibsano, markaa taasina dhibaato wayn ayay noo keentay.Talaabad-na waxay noqotay qabiil wax la yidhaahdo oo weliba si fool xun oo tolnimadu waa gooni laakiin qabiil iyo dan yar oo shaqsi ah iyo dad inta ay isku baaqaan is urursada ayay ahayd, markaa waxaan soo ogaaday 4.5 in waxan oo dhami ay ku dhisan yihiin, in ay tahay afar qabiil oo waaweyn iyo 0.5 oo ah dadkii kale oo la yidhi beelo yar-yar ayaad tihiin”.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater waxa uu sheegay in jagooyinka ugu sareeya ee dawlada Soomaaliya ay kooto ugu xidhan tahay laba reer kuwaasi oo uu sheegay in iyaga laftooda uu ka dhexeeyo tartan xoog leh isla markaana ay beelaha kale ee Soomaaliyeed ku daba faylaan. “Waxaan aragnay oo anaga cadaan noo noqotay in laba reer ay dawlada Soomaaliya hoosta ka soo xidheen oo ay monoboli ugu xidhan tahay inta kalena ay dabka soo kulaalayso, labadii reer ayaa heshiis aan meel ku qornayn laakiin la isla ogyahay ayaa iyaga tartan xoog lihi ka dhexeeyaa, tartankaa kii ku adkaadana uu doonayo inuu qaato madaxweynaha kalena raysal wasaaraha, oo meel walba la igu yidhi dadka dirku ma geli karaan ama way maqan yihiin oo Somaliland ayaad ku maqan tihiin, ama weli maydaan soo gaadhin meel aad tartanka caynkaas ah soo hunguraysaan ayay dadka qaar ku odhanayaan” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samater.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “dib ayaan ugu noqday taariikhda waxaan soo ogaaday marka lixdankii laga soo bilaabo ilaa maanta waxay noqonaysaa 53 sano inta ay Soomaaliya dawlad xor ah lahayd, qof reer woqooyi ah oo Somaliland u dhashay weligeed madaxweyne kama noqon, su’aal in la iska waydiiyo ayay u baahan tahay, wax badan ayay halkaa fadhidaye inta la soo qoro in miiska la soo dhigo ayay taasi u baahan tahay, dadka Somaliland u dhashay raysal wasaare iyo madaxweyne markaad boqol iyo sadexdaa sano isku eegto marna ma dhicin. Waxay weliba arrintii ku sii gubaysaa marka aad ogaato dadka Somaliland in ay xoriyadoodii ay dhaliyeen oo ay qaateen 26-kii bishii June 1960-kii oo u gooni ahayd, laakiin iyaga oo tii sita oo sida xeedhada muqmada iyadoo xidhan oo aanay furin ayaa Xamar la geeyay, oo la yidhi waatan anagu waanu ku soo biirinaynaa in wadankii la dhiso oo Soomaaliyi isku timaado oo calankii laga dhabeeyo, jawaabteedii taasi ilaa maanta ma hayno, hadaad wax keento in abaalkeeda laguu gudo sawma aha, ma hayno, konton sanadoodna way dhaaftay”.

Waxa kale oo uu tilmaamay Pro. Samater in ahda la gaadhay xili ay dadka Somaliladn dib isku xisaabiyaan isla markaana aanay wax madaxtinimo ah ka sugin dawlada Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxaa la soo gaadhay mar ay dadka Somaliland u dhashay inay dib isku xisaabiyaan ay tahay, hanbo siyaasadeed in la sugo waxay ila tahay sharafna ma aha, wax inoo qalmana ma aha.Somaliland dhalashadeeda iyo abuurideeda hadaad dhinac ka eegto wax cusub ma aha, waxay dib ugu noqonaysaa 1960-kii waxaanay markhaati ka tahay maskax dhalatay iyo qalbi dadkii Somaliland u dhashay ay isku raaceen in aynaan hanbo danbe sugayn, markaa dalkii iyo degmadii aynu ka nimid in dib loo dhiso oo laga shaqeeyo markhaatiga ayay ka mid tahay Somaliland calankeeda iyo Jamhuuriyadeeda”.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo la waydiiyay waxa uga qorshaysan in uu Somaliland kala shaqeeyo dhinacyada horumarinta, waxaanu ku jawaabay “Taasi jawaabteedu way gaaban tahay oo shaki kuma jiro in aan wixii tamartayda ah, wadankii aan ka imid haddii dantii waynayd lagula garan waayay, markaa waa in aad ka fiirisaa nolosha inta kuu hadhay halka aad wax ka qaban karto. Somaliland sidii la iigu soo dhaweeyay anigu maan kasban laakiin in la ii hiiliyay way cadahay, markaa ana in aan Somaliland u hiiliyo waajibka ayaaba dhigaya, baarlamaanka Soomaalida ee aan ku jiray ee 275-ka ah hortiisa ayaan ka sheegay, shayga ugu yar ee maanta Soomaali horyaalaa in uu yahay marka laga hadlayo Jamhuuriyadii waynayd waa laba xaq, madaxtinimada imtixaankeeduna labadaa xaq sida la isugu keenayo ayuu ku jiraa, xaqa dadka Somaliand oo huray wadankoodii, taariikhdoodii, gobanimadoodii oo geeyay koonfur iyagoon hagranayn, waxa ay tabanayaan iyo tariikhda ay ka hadlayaan iyo xaqa halkaa yaala in la fahmo waa kow, umadii Soomaaliyeedna wixii ay wadaagaysay sida la isugu keenayo in cadawga laga ilaaliyo oo ay baadhaadho, oo ay nabadgelyo hesho, oo ay hore u socoto taasina waa xaq, qofka madax u noqonaya wakhtigaa la joogo tartankii aanu galnay weeye, halkaa ayaa laga garanayaa in qofkaasi fahamsan yahay taariikhda wayni waxa ay dhigayso iyo safarka dheer ee adag”.

Waxaanu intaasi raaciyay “Anigu waan ku baaqay arrintaa, waana la ila garan waayay ilaa maantana ma hayno ama hadal ficil ah ha noqoto ama talaabo la qaaday oo ka jawaabaysa su’aalahaa balbalaadhan ee inta dheer leh ee Somaliland dadkeedu banaanka soo dhigeen, dawlada la dhisay hadaad eegto sida ay u dhisan tahay waad arkaysaa. Anigu waxaan goostay gartayna inta ii hadhay iyo wixii kartidayda ah aniga oo aan Soomaalida kalena ku xumaynanin aniga oo mahad wayn u qaba xisbiga Hiil qaran sida wayn ee uu ii maamuusay in aan tartanka ka qaybgalo, waxaan gadhay wakhti ah in aan isdaba qabateeyo, dadkii aan ka dhashay ee halkan deganaa oo xaq ku taaqnaa in aan la dhiso waxaa ay qabsadeen lana hagaajiyo intii awoodayda ah, aduunyadana aan uga doodo, xaqooda meel walba aan ka sheego, oo dadkaygii Somaliland ee aan ka dhashay aan dhinac ka raaco ayaan goostay” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samater.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa ugu danbayntii waxa uu ka sheekeeyay waxyaabihii uu kala soo kulmay gobolada dalka ee uu soo maray iyo waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu ku soo arkay, waxaanu yidhi “Wax badan oo yaab leh oo ilaa imika aan calashanayo oo aanan liqin ayaan soo arkay, waxaan soo arkay oo aanan weligay ilaawaynin dad aan cidi maamulin warka waa la gaadhsiiyay laakiin iyagu is abaabulay oo soo baxay, iyaga oo boqolaal kun ah, taasi ma ilaawi karo, tusaale ahaan Gabiley oo markii aan Hargeysa ka tagnay intii aanaan magaalada gelin meel Gabiley iyo Arabsiyo u dhaxaysa laba mayl ay dadku taagan yihiin qaarkood inta ay fardo soo qurxiyeen ay fuushan yihiin oo ay baabuurta ag socdaan, baabuurtuna isdaba joogto laba mayl, dadkana hadalkeedaba daa, wax aanan weligay arag kuna riyoon, oo aanan runtii galabsan ama aanan kasbana ayay ahayd lamana ilaawi karo.

Waxaa ka sii horaysay madaarka Berbera markii aan ka soo degayay diyaaradiina ay timid anigu waxaan islahaa dadkii kula socday iyo waxoogaa martida ah ayaad dhawr maalmood la joogi waad iska iman doontaa oo Hargeysa ayaad baabuur u soo raaci, dad madax dhaqameed iyo salaadiin ah, dad dawlada ka socda oo ay wasiiro ku jiraan iyo dad kale oo fara badan oo shaqaalaha dawlada ah ayaa diyaarad hoosteed iigu yimid, dadkii diyaarada aanu la wada soconay ayaaba yaabay, oo iyaga ay ku noqotay wax u baahan in la furfuro, diyaarad ingaydh ah oo la soo kireeyay oo garoonka fadhida ayaan arkay, anigu meel aan waxa caynkaas ah ku kasbaday garan maayo, laakiin farxad ayaan kala balaadhay iyo amakaag.”

“Hargeysa ayaanu nimid iyada oo ay madaarkii dad ka buuxaan iyo baabuur ilaa magaaladii, halkaas ayaanay ka bilaabantay, waxaanan ilaawi karayn magaalada Dilla oo aan weligay u haystay magaalo yar oo inta la yara joogsado shaaha laga cabo oo ay dadku beeraha ku maqan yihiin, oo ay dhawr kun oo qof magaalada hareeraheedii soo joogsadeen, waxaanan ilaawi karayn magaalada Boorama oo dadka badan boqol kun oo qof ay igu soo dahweeyeen, waan yaabay oo aniga ayaa is eegay oo waxaan u maleeyay malaha waxani waa riyo, sidaas ayay ahayd ilaa xeebihii aan soo maray, barri Berbera marka aad ka bilawdo ilaa meelihii kale ee aan soo maray ma ilaawi karo, Burcana hadalkeedaba daa sidii la noogu soo dhaweeyay, wadadii dheerayd ee laamiga aan ka baxnay ee bankii waynaa oo sideed saacadood baabuurku socday Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn sida la noogu soo dhaweeyay wax la dhamayn karana ma aha wax la ila ilaawi karana ma aha mid waliba xasuusteeda ayay leedahay”.

Salaanmedia/Hargaysa