Waxaan ku baaqayaa in cayaartooyda Gobolka Togdheer xoriyadooda loo soo celiyo. Xasan Warabacadde.

Waxaan Salaamayaa dhamaan Dhalinyarta Somaliland ee ku dhaqan dalka iyo debadaba ,inta jecelhanaqaadka Sportiga Somaliland.

Waxaan doonayaa in aan mar labaad iftiimiyo waxyaabaha keena is qabsiga iyo khilaafaadka mar walba hadheeya cayaaraha gaar ahaan cayaaraha Goboladda .

 

Aduunyadan aaynu ku noolnahay waxaa lagu shaqeeyaa kala dambeeyn iyo sharci kala haga hadeey maamul noqon lahaayd iyo wax walboo bani aadanku qabanayo intaba bal eeg qudhaanjadu waxaay leedahay leader lagu daba faaylayo oo anad arkaayn mid gaar u socota hogaanka  iyo sharciga oo wada socda ayaa wax lagu noqdaa hadaba aan u soo noqdo waxa keena khilaafaadka sportiga.

1-Sportisku waxa uu leeyahay qawaaniin iyo astaan u gaar ah oo xadeeysan waxaa ka mamnuuc  ah Qabyaalada, midabtakoorka ,,daragska , eexda, waxaana aduunku mideeyay shanta qaaradood midab kasta ha lahaadee in aay xaq u leeyihiin sportiska.Waa iska caadi in aay qaladaad dhaco dagaal mararka qaar ka dhaco,garsoore lagu fara saaro taageerayaal is dilaan waliba dhimasho timaado mararka qaar laakiin waxaa waxaas oo dhan wata waa sportiska oo maanta aduunyada lagu kala jeediyo umadda ,waxyaabahaas oo dhana waxaa lagu dhameeyaa sharciga kan taageeraha ahaa ee dhib gaaystay waa la xidhaa sharcigana la horgeeyaa kan cayaartooyda ahna sharciga tartanka socda ayaa isna xakameeynaya hadaba reer Somaliland Sportigeedu marna lama waafajin sharciga cayaaraha tusaale

 1/ Somaliland Horyaal kooxaha heerka koowaad kama hirgalin

2/ Tatanka skuulaadka kama hirgalin,tartanka jaamacadaha kama hirgalin,kan degmooyinka , tartanka ugu muhiimsan oo ah Tartanka Cayaaraha Gobolada Ayaa ka qabsooma oo aan si joogta ah ahaayn waliba tartankaas waxaan qabaa in hadii la doonayo isbadal dhab ah laga hirgaliyo Somaliland hadda iyo koow dhismaha aasasiga u ah laga bilaabo oo ah dhismaha xidhiidhada cayaaraha ee heer degmo ilaa gobol oo ku imanaaya habka is doorashada ah markaasaa loo gudbi karaa xidhiidhada  heer qaran .

Khilafaadka dhacay waxaa u aabo ah arimahaas oo ka maqan waxaay horseeday in cid waliba aay dhaliishu wasaarada cayaaraha iyo wakiilkooda goboladda ee iskuduwyaasha  halka aay ahaayd in xidhiidhka  k. Cagta ee Gobolku dhisnaado dhaliishana timaadana aay yeeshaan .

Tabaabusho laanta

Waxaad moodaa in loo maleeyo hadii cayaaraha gobolada la qabto in sportigii hormaray maahan waa qaayb ka mida waana halka cayaartooyda cusubi ku soo bixi jirtay hadaba waxaa muhiim ahaayd in laga horeeysiiyo habka ugu wanaagsan in laga doodo maadaama 13 gobol aay ku badan tahay caasimadda kharashna loo yareeyn lahaa anfici lahaayd waxyaabo kaloo badan waxaan qabay in isreebreeb laga horeeysiiyo mudo kahor bil ama lababa oo gobolada isku dhaw tartan galaan  laguna qabto garoomada aan ahaayn caasimada si  loo fidiyo cayaaraha iyo isdhexgalka bulshada 4 u dambeeysana ama 8 aay iskugu yimaadaan caasimada .

Habka loo xulo cayaartooyda Gobolka

Waxaa ugu macquulsan in marka hore gobolku lahaado Xidhiidhadiisa cayaaraha oo madax banaan kadibna aay  qabtaan tartanka degmooyinka Gobolku ka kooban yahay tartankaas ayaa laga dhex xulayaa cayaartooda  walba waxaa xulaya gudi xidhiidhka gobolku magacaabay tirada cayaartooydu la xulayaa waa inaanay ka yaraan 30 si macalinka la magacaabo oo waliba gobol kale laga keenay ama ha joogabee  uu tababar u siiyo mudo si uu isna u sii kala xusho halkaas ayuu ka soo baxayaa xulka Gobolka hadaan sidaa la marin waxaa imanaaya khilaafaadkaas ragaadiyay gobolada ee is qabqabsiga ku saleeysan beeleeysiga ah.

Ugu dambeeystii waxaan ku baaqayaa in la sii daayo cayaartooyda Gobolka Togdheer maadaama aanay jirinba jaranjaro sporti oo xakamaayn lahaayd  cayaartooyda waxaan soo jeedinayaa in  xoriyadooda loo soo celiyo isla markaana  loo wacyi galin lahaa lana baraa qawaaniinta cayaaraha ee heer caalami iyo heer qaranba .

Allaa Mahad Leh

Hassan Waraabacadde