“Iyada oo uu xilkani yahay mid ballaadhan waxa aan Madaxweynaha Somaliland uga mahad-celinayaa inuu xilkan ii gartay iina magacaabay, waan ku garab-galayaa. Maanta sida uu Wasiirkii Hore sheegay waxa bilaw ah xil cusub, oo adag oo qofka wasaaraddan loo magacaabo laga doonayo sidii u dhaqaajin lahaa. Waxaan uga mahad-celinayaa Md. Duur sida wanaagsan ee uu shaqadiisa u gutay. Shaqaalaha wasaaraddana waxa aan ku bogaadinayaa sida fiican ee ay shahaado-maamuus ugu sagootiyeen Wasiirkii Hore, waxaanay muujinaysaa inay dad wanaagsan yihiin”ayuu yidhi Wasiirka cusubi ,
Md Warancadde waxaa uu sidoo kale sheegay inuu bulshada u shaqayn doono isaga oo raacaya saddex qodob, kana fogaanaya saddex arrin oo dhib leh waxaanu yidhi “Waxaan shacabka u ballan-qaadayaa inaan ugu shaqayn doono si xilkasnimo ah, caddaalad iyo sinnaan leh. Waxaanan bulshada Somaliland u ballan-qaadayaa inaan ka ilaalin doono saddex shay oo kala fogayn kara oo kala ah eexda, qabyaalladda iyo nin-jeclaysiga” Wasiirka cusub ayaa sheegay inuu dhawri doonno xorriyadda saxaafadda, isla markaana digniin adag u diray dadka nabad-gelyada dhaawaca waxaanu yidhi “Waxaannu dhawri doonnaa xorriyatul-qawlka, madax bannaanida saxaafadda iyo xuquuqal insaanka. Waxaannu si balaadhan uga hortegi doonnaa dhaqan xumada ay dadka wax-ma-garatada ahi wadaan ahna in dhallinyaro qayru masuul ahi waddooyinka isu taagaan dumarka, carruurta iyo waayeelka.” Md Warancadde ayaa ballan-qaaday inay la shaqayn doonaan madax-dhaqameedka, kuna dedaalayaan shaqo-abuurka iyo joojinta tahriibka, sidoo kalena ay musuq-maasuqa si adag meesha uga saarayaan iyaga oo raacaya hab qarsoon oo lagu ogaado masuulka caadaysta lunsiga hantida ummadda.Khudbaddii Wasiirka oo ahayd mid dhinacyo badan taabanaysa ayaa ballan-qaaday inay ka shaqayn doonaan horumarinta Caasimadda iyo magaalooyinka kale ee dalka iyaga oo kaashanaaya maayarrada iyo badhasaabada waddanka, isaga oo bulshada u soo jeediyay inay wada jir isaga kaashadaan ambaqaadka geeddiga lagu kobcinayo horumarka Somaliland.
Salaanmedia/Hargaysa Office