Wejiga Labaad Ee Waddada Cad Ee Isku Xidhaysa Hargeysa,Sallaxlay Iyo Ina Guuxaa Oo La Bilaabay

Sallaxley (SM):Bilowga mashruuca wejigii labaad ee sameynta Waddada cad ee isku xidhaysa Hargeysa Salaxlay iyo Ina Guuxa ayaa maanta si rasmi ah u bilaabmay.kadib markii laga soo faraxashay qeybtii hore ee waddada oo dhameyd 13-KM oo waddadaasi ahaa

Hargeysa(Somaliland.Org):Bilowga mashruuca wejigii labaad ee sameynta Waddada cad ee isku xidhaysa Hargeysa Salaxlay iyo Ina Guuxa ayaa maanta si rasmi ah u bilaabmay.kadib markii laga soo faraxashay qeybtii hore ee waddada oo dhameyd 13-KM oo waddadaasi ahaa.

Munaasibadii loo sameeyey wanqasha wejigii labaad oo lagu qabtey deegaanka Hundule oo ka tirsan degmada SALLAXLAY ayaa waxa ka soo qeybgalay Ganacsade Cumar Caydiid oo isagu sal u ah dhismaha waddadani, Wasiirka Caafimaadka Dr.Xuseen Xoog.Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeerabaha Somaliland Axmed Aw Cismaan,Guddoomiyaha

Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa,Wasiirkii hore Cadaalada Aadan Dhoolayare, Boqor Raabi, Guddoomiyaha hay?ada Geeska Afrika Sheekh Maxamed Cali Geedi,Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen (Khadar Ambassador),Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTEECO), Maayarkii hore ee Caasimada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Ganacsato, cuqaal, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe),Agaasimaha hay?ada maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa Maxamed Xasan Siciid,Xildhibaano ka kala socday Wakiillada iyo Golaha deegaanka Caasimada, Maareeyaha Shirkada TELESOM Cabdikariin Maxamed Iid, Qurba-joog Cismaan Cumar Dool iyo qurbajoog tira baddan, Haween, Aqoonyahan, Sheekh iyo Marti sharaf tiro baddan.

Ugu horeyn, Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo ka mid ah tijaarta dalalka Somaliland iyo Jabuuti oo wakhtiganna mashaariic baddan oo horumarineed ka fulinaya dalka ayaa mahad-naq mug leh u jeediyey Haweenka Hargeysa iyo dawladda Somaliland oo gacan baaxad leh ka geysatay dhismaha jidka Hargeysa iyo Sallaxlay, waxaanu yidhi “Waxa aan ugu mahad-naqayaa xukuumadda oo uu kani yahay jidkii koowaad ee ay mashruuciisa saxeexeen isla markaana ay yidhaahdeen ?mar kasta oo aad waddada shan kiiloo mitir dhistaan annaguna shan ayaanu ku daraynaa illaa inta laga dhammaynayo? taa macnaheedu waxa weeye haddii ay waddada afartan kiiloomitir ka hadhsan yihiin waxa dawladda ku qaybaya labaatan, waxaynu tan ku mutaysannay dhismaha saddex iyo kiiloo mitir oo laami ah ayaynu dhammaynay innaga oo aan cidna qaylo-dhaan u diran. Dawladdu way mahadsan tahay. Waxa iyana mar walba aan u mahad-naqayaa dumarka reer Hargeysa oo mar walba i guubaabiya waxa la ii sheegayay gabadh fargal keliya oo dahab ah lahayd una iibisay waddada, waan bogaadinayaa haweenka mar walba waxaanan leeyahay soo dhiirri-geliya ragga”.

Boqor Raabi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxan salaamaya cidkasta oo ka qeybqaadatay abaabulka iyo dhismaha wejiga labaad ee waddada aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa oo waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu casi iyo caafimaad siiyo, Waxa kale oo meesha soo fadhiya Khadar Ambassador oo aan isleeyahay gacan-weyn ayuu ka qaadan doona”
“Waxa farxad weyn ii ah inaan soo maro waddadii u dhaxaysay Hargeysa iyo Sallaxlay, oo maanta abaabulkeedii lagu jiro wax la qiyaasi karo maaha, cidkasta oo hadalkayga dhageysanaysa ama akhrisanaysa waar hadaad islahaydeen halkan guux-yar ayaa halkan ka jira wax ka jira ma jiro cid carqaladeynaysaana socodsiinteeda ma jirto,”.Ayuu yidhi Boqor Raabi.
Boqor Raabi waxa uu u mahad-celiyey Ganacsade Cumar Caydiid oo ah muftaaxa kowaad ee furey “Waxaan leeyahay Cumar Caydiidna ILAAHAY maalka ha u barakeeyo, Waxaan ku faraxsanahay Cumar Caydiid waxqabadkiisa iyo maalkiisa uu muujiyey oo uu ku muujiyey waddada.

Waxaad mooda in meesha la Ciidagaleeyey amase la Garxajiseeyey Wasiiradii kale ee xukuumaddu halkay ka dhaceen tolloow?Wasiirkii reerka ayuunbaa jooge miyey quudhi-weyday inay inagu soo darto maamulkeeda midaa iyadana waan ka xumay. Waxa la ii sheegay inay dawladu 5-KM balanqaaday inay dhismaheeda bixiso, waan uga han-weynayn xukuumadu inay bixiso shan KM reerka waxaan leeyahay cidna ha isku haleynina ee isku tashada”.

Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ILAAHAY ayeynu ugu mahad-naqaynaa inaynu 13-kii KM ee waddada hore aynu soo sameyno waxaynu u mahadnaqayna dadkii ka soo qeybgalay waddada. Maantana waxaynu bilaabayna wejigii labaad ee waddada oo ah To?on ilaa Qoolcaday oo ah 20-KM waddadu ma hawl-yara, laakin wixii uu ILAAHAY uu hawl-yareeyo ayuunba hawl-yaraada, Waxaan u mahad-naqayaa dawladu inay inoo sameyso 5-KM oo waan ugu duceynaynaa oo ilaahay barakeeyo, dawladaha waa loo duceeya oo lama habaaro,dawladihii hore ee aynu habaarnay, habaarkii kamay soo hadhin-ba inaguna waynu raacnay”

Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu u mahad-naqay dhamaanba dadkii faraha badnaa ee ka qeybqaatey dhismaha waddaasi “Walaalayaal sidaad ogsoon tihiin waddadu waa asaaska horumarinta umadda, Qoladii reer To?oneed iyo dadkii kale ee beeraha lahaa waxa lagu baayici jirey $5,000 (Shan kun dollar) 10,000(Toban Kun dollar) maanta nin beer iibinayaa ma jiro, waxa gaadhay horumarkii, inta kalena waxaan rajeynayaa inuu horumarku gaadho”.

“ILAAHAY ha inoo hawl-yareeyo inaynu waddada gaadhsiino Hargeysa ilaa INA-GUUXA, waddada dhismaheedu waa wax adag, dadka qaar ayaa yidhaahda waddadii ma dhameyseen waa dad aan garanayn. Waddadu waa arrimaha ugu adag ee la sameeyo,Dhisma wejiga labaad ee waddadan waa Ton ilaa Qool-cadey waxa shan balanqaaday oo inoo sameynaysa dawlada innagu waxaynu sameynaynaa 15-KM inta la dhameynayo la nasan-maayo ILAAHAY waxaan ka baryeynaa inuu noo hawl-yareeyo, waxa ku baxaya lacag (Malkan iyo afar boqol iyo shan iyo labaatan Kun oo dollar), 15-KM ee waddada ah waxaynu u qeybinaynaa laba qeybood oo waxa qeybqaadanaya Cumar Caydiid, qeyta inagu soo hagaagtey (Sideed boqol iyo sadex iyo laabatan kun oo dollar), Cumar Caydiidna waxa weeyaan 55% (Boqolkiiba shan iyo koton) waxaana ku baxayaa (Lix boqol oo kun oo dollar) oo ah 45% (Boqolkiiba shan iyo afartan)”.

“Ciddii aan dhismihii waddada hore lacagta bixin waa laga doonayaa, wejigan labaad ayaa bilaabmay oo qofkasta waa loo imanaaya mar labaad iyo mar sadexaad inta laga dhameynayo waddada”.Ayuu yidhi Sh. Maxamed Cali Geedi, isaga oo u mahad-celiyey Maayarkii hore ee Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo uu ku tilmaamay haddii aanu u bilaabin inaanay bilaabeen dhismaha waddadan.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Dumarkii waa muftaaxihii ugu horeeyey ee waddada furey waanay ku mahadsan yihiin. Waddadu waa wax aynu isa saarnay oo aynu ka wada-tashanay inaynu gidigeen wada bixino, waana sadaqad jaariya.
Cabdiraxmaan Cali Xirsi (Buraale) oo xafladaasi ku soo bandhigay shaxada dhismaha lacagtii hore, cidda lagu leeyahay iyo siday wax u baxeen, isaga oo wejiga labaad ee dhismaha waddada waa To?on ilaa Qool-cadey oo ah15-KM qaabka loo qeybsaday dhismaheeda sheegay “Waxa inoo taala hawl culus mid guda jooga iyo mid dibad joogaba dedaal ayaa loo baahan-yahay inay ku dhameystirno”.Ayuu yidhi.

Maayarkii hore ee Caasimada Hargeysa Eng.Xuseen Maxamuud jiciir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii sharaf-weyn ayey noo tahay inaynu maanta halkan isugu nimaadno oo aynu bilowno qeybtii labaad ee waddada, dhismaha waddadu waa waxyaabaha loo baahan yahay kharash baddan, waad aragteen hay?adaha caalamiga ama addun-weynuhu infrastructure-ka wuu ka meereystaa haddii aynu nahay Somaliland inuu inoogu deeqo, laakin waxa nasiib wanaag ah inay dadweynaha reer Somaliland inay isku tashadeen oo ay iyagu bilaabeen waxyaabihii ay dawladuhu isku caawin jireen ee ay sameyn jireen. Runtii waxaan leeyahay sharaf ayey inoo tahay reer ahaan iyo Somaliland ahaan-ba. Waxaan u mahad-naqayaa dhamaanba intii ka qeybgashay intii hore ee la dhisay iyo qeybta labaad ee la bilaabayo”.

Waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay maayarka Caasimada Haregysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTECO), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Afhayeenka Xisbiga WADDANI Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Khadar Aadan Xuseen (Khadar Ambassador), Odeyga Somaliland Xaaji Cabdi-Waraabe, Qurba-joog Cismaan Cumar Dool,Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog, Maayarka Sallaxlay, Faadumo Shaacib,iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin (Dheeg) kuwaas oo dhamaantood si isku mida ugu bogaadiyey ganacsade Cumar Caydiid kaalinta waddaniyadeed ee uu umaddiisa Somaliland ku rajo-geliyey maadama uu furre u ahaa dhismaha bilowga waddada isku xidhaysa Hargeysa Salaxlay iyo Ina Guuxa, ayey yidhaahdeen, Waxaanay ILAAHAY uga baryeen inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo hawshaasi khayriga ah ee uu bilaabay.

Waxaanay masuuliyiintani cod dheer ugu baaqeen shacabka reer Somaliland inay kaalintooda ka soo qaataan dhismaha jidkani oo ah mid faa?iido u leh bulshada Somaliland, iyaga oo si gaar ah qurba-jooga ugu soo jeediyey inay doorkooda ka soo qaataan dhismaha jidkani.

Ugu danbeyntii waxa halkaasi lagaga dhawaaqay qaadhaan lacageed oo lagu dari doono kharashka ku bixi doona dhismaha waddada, iyada oo Shahaadooyin amaal-marin ah madashaasi lagu gudoonsiiyey Shirkadaha TELESOM iyo AL-NUUR,Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,Maareeyaha hay?ada Waddooyinka Prof Xasan Cali Cismaan, Iyo Jaaliyada Somaliland ee Qadar oo dhamaantood kaalin laxaad leh ka geystey dhismaha waddadan.

Mustafe-Jannaale

 

 

TOP