Xaflad loo sameeyey xubno kusoo biiray xisbiga WADDANI garabkiisa haweenka

 

Waxa maanta  dalka finland magaalada ee Helsinki ka dhacday xaflad si heer sare leh loo soo abaabulay taas oo isugu jirtay soo dhawayn xubno cusub oo garabk haweenka ee xisbiga WADDANI ku soo biiray iyo sagooti xubno Xisbiga ka mid ah oo dalkii hooyo tegaaya loo sameeyay taas oo ay weheliyeen xubno kale oo mutaystay in la maamuuso oo xisbiga ka dhex muuqday munaasabadaas oo casho sharfna weheliso ayaa ka dhacday hotel ka mid ah hoteelada ugu can san magaalada Helsinki badhtama magaaladana ku yaala. Aayado Qur´aan ah kabacdi  

 

 

 

SONY DSC

Ugu horayna waxa halkaas ka hadalay Gudoomiye xigeenka garabka haweenka ee xisbiga WADDANI marwo Deeqa Hirsi Cali oo ay weheliso masuulka abaabulka iyo wacyi gelinta garabka haweenka ee xisbiga Foosiya Osman Xamari Masuuliintaas oo si qaderis mudan farxadina ka muuqato u soo dhaweeyay xubnahaa cusub ugana mahad celiyay doorashada ay axsaabta kale ka doorteen xisbiga WADDANI sheegayna ku soo biiritaankoodu in uu xisbiga dhamaantii farxad gelinaayo, waxy kaloo ilaahay uga baryeen xubnaha dalkii tegaya inuu ilaahay nabadgelyo geeyo kuna soo celiyo. Waxay  xuseen inay xubnaha maamuuskas mutaystay yihiin xubno ku dayasho mudan, waxaanay ku  booriyeen xubnahaas inay halkaa ka sii wadaan oo ay dadaalkooda labanlaabaan,

SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSCSONY DSC SONY DSC SONY DSC

Ugu danbayntii waxa halkaa hadalo kooban oo mahdnq u badan ka soo jeedisay Canab goox oo ah marwo siyaasada Somaliland mudo ku soo jirtay oo xubnaha cusub metelaysy oo aad uga mahad celisay sida sharafta leh iyo sida maqaamka sare leh ee loo soo dhaweeyay iyada iyo xubnaha kaleba,

 Iyada oo intii la sabootiyay iyo intii lamaamusayba ay mahdnaq kasoo jeediyeen goobtii.

Xafladaas oo  ku soo gebo gebawday jawi aad u wanaagsan oo farxadina ka muuqato.

 

Axmed Kayse

Salaanmeedia/Finland