Xarun Xuquuqal iinsaanka U Dooda Oo Cambaareysay Xayiraadda Wargeyska Hubaal
(SM-Hargeysa) – Xarunta Xuquuqal iisaanka ee Hargeysa, ayaa ka hadashay tallaabada xukuumaddu albaabada ugu laabtay Wargeyska Madaxa-banaan ee Hubaal, waxayna sheegtay in tallaabadaasi tahay mid aan si sharci ah loo marin.
War-saxaafadeed xarunta Maanta soo saartay ayaa u dhignaa sidan “Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay xayirtay wargeyska madaxabanaan ee Hubaal oo ka soo baxa magaalada Hargeisa. Go’aanka Maxkamadu ma sheegin wax sabab ah oo ay u cuskatay maxkaamaddu xayiradda wargeyska.
Sida ay noo sheegeen masuuliyiinta Hubaal ma jirto wax ogaysiis ah ama yeedhmo ah oo hore loo sii siiyay Hubaal ka hor intaan la soo saarin amarka xayiradda. Sidoo kale ma jirto wax dacwad ah oo lala soo socodsiiyay Hubaal oo u tiil Maxkamadda Gobolka.