Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Masuuliyiintiisa Xilil Cusubna Magacaabay.

kayse guray

(SM-Hargaysa) Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, oo kamid ah saddexda Xisbi Qaran ee ka jira Somaliland, ayaa isku shaandhayn  ku sameeyay masuuliyiin xilal ka hayay Xisbigaas, halka uu qaar kalena u magacaabay jagooyin cusub, sidaana waxaa lagu sheegay war-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee Xisbigaas Axmed Aadan Ismaciil, kaas oo nuqul kamid ah lasoo gaadhsiiyay Shbakadda Wararka ee Somalilandtoday.com, wuxuuna u dhignaa isagoo dhamaystiran sidan.

“Wada-tashi ka dib waxa noo suurtogashay in aanu magacowno xilal cusub kuwa kalena aanu ku sameyno is-bedel. Xilalkaasina waxa ay kala yihiin:-

 

1.       Ambassador Maxamed Maxamuud Aadan (Lenin) in uu noqdo Xoghaya Macdanta iyo Biyaha ee Xisbiga Ucid.

2.       Cabdiladif Cumar Cali oo ahaa guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Waqooyiga London uu noqdo Afhayeenka UCID UK.

3.       Cabdixakiim Axmed Camuum oo ahaa Xoghaya Xisbiga Ucid  ee Waqooyiga London waxa uu noqonayaa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid      ee Waqooyiga London

4.       Maxamed Cabdi Ruush waxa uu isna loo gartay in uu noqdo Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga Ucid ee Goboladda UK.

 

Waxa mas’uuliyiintaasi xil gudashadoodu u bilaabmi doonta taariikhda warqadan ku xusan iyada oo aan ku rajo weynahay in mas?uuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid ee laamaha gudaha iyo kuwa dibedduba ay si fiican ula shaqeyn doonaa mas´uuliyiintaasi xilalkan cusub loo soo magacaabay.

Allah Mahad Leh”

Axmed Aadan Ismaiil (Kayse)

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Somaliland. UCID.