“Xukuumaddu Kaligeed Nabad-Gelyadda Uma Baahna Ee Shacbiga …….”Muj: Xasan Ciise Jaamac Oo Farrin Guubaabo Nabadeed Ah U Diray Bulshada Ku Dhaqan Axmed Dhagax

(SM:Hargaysa)Guddoomiyihii Ururkii doorashooyinkii deegaanka ku hadhay ee XAQSOOR ahaana Madaxweyne Ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Mudane Xasan Ciise Jaamac, ayaa dhalinyarada iyo bulshada ku dhaqan degmadda Axmed Dhagax ee magaaladda Hargeysa ugu baaqay inay nabad-gelyada ilaaliyaan isla markaana ay si niyad sami ah u soo dhaweeyaan ciyaartoyga 13 xul ee ciyaaraha gobolada dalka ku tartamaya.

 

 

Mudane Xasan Ciise Jaamac waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu galabta ka jeediyay garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium oo si toos ah looga sii daayay warbaahinta . Waxaanu u soo jeediyay bulshada xaafada Axmed dhagax inay soo dhaweeyaan madaxda dalka iyo ciyaartoyga ka socda gobolada wadanka.

 

 

“Walaaleyaal nabad-gelyadeena iyo qaranimadeena waa inoo balan inaynu ilaashano, xukuumaddu kaligeed nabad-gelyadda uma baahna ee shacbiga ayaa xataa u baahan nabadgelyadda aynu ku faro adaygno nabad-gelyadda iyo dawladnimadda ILAAHAY ina siiyay,”ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.

Madaxweyne Ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland waxa uu fursad qaali ah ku tilmaamay tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Walaaleyaal haddii aad tihiin dadweynaha reer Hargeysa gaar ahaan xaafaddan ay ciyaaruhu ka dhacayaan xil gaar ah ayaa ina saaran. Waxaynu doonaynaa fursadan qaaliga (Tartanka goboladda) ee aan maalin kasta dalkeena soo marin aan ilaashano.Ayuu Yidhi Xasan Ciise Jaamac

“Waxaan doonayaa oo aan waydiisanayaa dadweynaha reer Hargeysa gaar ahaan xaafadaha ay ciyaarahani ka dhacayaan in ay xil kasnimo gaar ah iyo soo dhawayn gaar ah aynu muujino. Waana inagu waajib oo goboladii dalka oo dhan baa inoo marti ah haddii ay marti inoo yihiina waajib muqadas ah ayaa innaga saaran inaynu soo dhaweyno,”ayuu Yidhi Xasan Ciise Jaamac

Mujaahid Xasan Ciise oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku kabay “Waa in aynu Koox kasta markay goolka dhaliso sacabka ku soo dhaweynayaa gobol kastaa waa gobolkeenii. Waxaan leeyahay soo dhaweeya gobolada dalka oo dhan si markaad idinkuna gobolada kale tagtaan la idiinku soo dhaweeyo.”

Salaanmedia/Burco