Xulalka Badhan Iyo Hawd oo 1-1 Kala Maraya Qeybtii Labaad Ee Ciyaartooda

Xulalka Badhan Iyo Hawd oo 1-1 Kala Maraya Qeybtii Labaad Ee Ciyaartooda

June 3rd, 2013 

375636_548144695221179_1004767544_n

Hargeysa (SM)- Ciyaartii labaad ee tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland ayaa galabta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ay ku yeesheen labada xul ee goboladda Badhan iyo Hawd oo ku wada jira Group-ka B.

Labadan kooxood oo ahaa qaar is ceshanayay oo isu dhigmayay, waxay soo bandhigeen ciyaar adag oo xamaasadeedu xoog lahayd.

Labada xulba waxay midba midka kale ku qaadeen weeraro is dabo joog ah, hase yeeshee xulka gobolka Hawd ayaa daqiiqadihii u dambeeyay qeybtii hore waxay keensadeen gool uu u saxeexay ciyaartoyga difaaca uga ciyaara xulka Hawd ee la yidhaahdo C/Casiis Gadh-yar.

qeybtii horena waxa lagu soo gunaanaday 1-0 ay xulka Gobolka Hawd ku Hoggaaminayeen.

markii qeybtii dambe la iskugu soo noqday ayaa xulka Badhan waxay garoonka ku soo galeen dar-dar balaadhan, waxaanay taasi u suurto-gelisay inay qeybtii dambe daqiiqadihii u horeeyayba ay la yimaadeen goolkii barbar dhaca, waxaana u saxeexay Maxamed Xasan oo lambarka lixaad u sitay xulka Badhan.

Waxa xusid mudan in xulka Gobolka Badhan oo ay ahayd markii u horeysay ee ay ka qeyb galaan tartanka ciyaaraha goboladdu ay maanta la gole yimaadeen ciyaar adag oo ay culays saareen xulka Haw d oo iyagu sanadkii 2011-kii kaalinta labaad ka galay tartankii ciyaaraha goboladda ee lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Tpgdheer.

Weriyeyaashii ka qeyb galay ciyaartan, waxay sheegeen in ciyaartan galabtu ay ka kulushahay tii ay shalay iskaga horyimaadeen xulalka Maroodijeex iyo Saraar oo xulka Maroodi-jeex 2-1 ugu awood sheegteen xulka Saraar oo iyaguna ka mid aha xulalka ku cusub tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland.

Salaanmedia/Hargeysa