Xulka Gobolka Marood-jeex Oo Ku Guulaystay Tartanka Kubadda Cagta ee Goboladda Somaliland

264842_483251821753857_1188370967_n

HARGEYSA (SM)-Xulka Gobolka Maroodi-jeex ayaa sanadkii labaad ee xidhiidh ah ku guulaystay tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha Goboladda Somaliland, ka dib markii ay maanta Gool ku laad 6-5 kaga badiyeen xulka gobolka Hawd oo ay sanadkii labaad ee xidhiidh iskugu soo baxeen ciyaarta kama damabysta.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag isla markaana degan wax gool ah lama kala dhashay 90 daqiiqadood ee ay socotay, ka dibna waxa loo dhigay rikoodheyaal.

Gool ku laad (Rikoodheyaal) waxay labada xulba dhasheen shantoodii gool ee ugu horeeyay, ka dibna waxa loo dhigay hal hal gool ku laad oo kale.

Xulka Gobolka Maroodi-jeex gool ku laadkoodii lixaad way dhashadeen halka xulka gobolka Hawd laga qabtay gool ku laadkoodii lixaad, waxaana sidaasi ku guulaystay xulka Gobolka Maroodijeex, waxaanu koobkani u noqonayaa kii sadexaad ee ay ku guulaystaan.

Ciyaartan waxa u soo daawasho tagay Wasiirrada Ciyaaraha, Maaliyadda, Kalluumaysiga, Badhasaabadda iyo Maayarrada labada gobol, Xildhibaano iyo kumaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo kala taageerayay labadan xul ee walaalaha ah.

Ciyaartoyga labada xul ayaa isku hambalyeeyay isna salaamayay waxaanay xulka gobolka Hawd ay muujiyeen inay u haneeyeen xulka gobolka maroodi-jeex oo ah gobolkii ay ka farcameen ee hore u xukumi jiray gobolka Hawd.
Koobkii kubadda kollaygana waxa xalay ku guulaystay xulka gobolka Gabiley oo afar dhibcood kaga badiyay xulka gobolka Maroodi-jeex oo isagu hore u haystay horyaalka kubadda kollayga.

Salaanmedia/Hargaysa