“Xulka Gobolka Tog-dheer Wax Danbi Ah Ma-laha Ee Baroortu Orgiga Ka Weyn Cidii Wax Qabyaalad Ku Maamushay Ha Lala Xisaabtamo ”Xildhibaan Naasir X.Cali Shire

(SM,Hargaysa)Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah xildhibanaada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Togdheer ayaa sheegay in xulka gobolka Togdheer uga qayb galayay ciyaaraha gobollada ee caasimada ka socda ee doraad xabsiga loo taxaabay ay wasaarada ciyaaruhu ay qaab qabiil ku soo xuleen ciyaaryahanada, taasina ay keentay sababta xulka gobolka Togdheer khilaaf qabiil ka dhex abuurtay, waxaanu intaa ku daray in maamulka wasaarada ciyaaraha ee gobolka togdheer aanay ahayn kuwo aqoon u leh maamulka ciyaaraha, waxaanu tilmaamay inay yihiimn maamul dhinac kaliya ka raran.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire waxa kale oo uu sheegay inanaay wax macno ah samaynaynin talaabada xabsiga loogu taxaabay xulka gobolka Togdheer kuna baaqay in la soo daayo, balse lala xisaabtamo masuuliyiintii qabyaalada ku soo xulay ciyaartoyga, wasaarada ciyaarauhuna dib isugu noqoto maamul xumada iyo arrinka foosha xun ee ka soo ifbaxday xulka gobolka Togdheer.

Md Naasir Xaaji Cali Shire oo shalay subax ka soo laabtay socdaal uu Burco ugu maqnaa oo shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay dayaca iyo burburka ku yimid jidka Laamida ee u dhexeeya Hargeysa ilaa Burco oo uu tilmamaay inay marayaan heerkii ugu xumaa, sababna ay u yihiin shilalka gaadiiidka isa soo taraya ee ka dhaca jidkaasi dheer. Ugu horayna arrimahaasi waxa uu yidhi “Gobolka togdheer waxa uu ahaa gobol kaaramo iyo magac weyn ku lahaa ciyaaraha gobolada xilliyadi dalkii Somalia, waxaanse ka xumahay arrintan ka dhex dhacday xulki gobolka togdheer imanadii ciyaartoyga ee wasaarada ciyaaruhu sheegtay in qabiil ay isku qabsadeen ee xabsiga loo taxaabay, balse ciyaarytoyga la xidhay macno samaynayso xadhigoodu, waxayse xaqiiqdu tahay o mhiim ah in la saxo, maamulka ciyaaraha ee gobolka togdheer iyo hawlwadeenadiisu, maamulkaasi maaha mid u qalma oo fulin kara hawsha ciyaaraha ee gobolka togdheer ay u hayaan.

Waxa kale oo aan halkan ka cadaynayaa imanada ciyaartoyga gobolka togdheer cid baa galisay magacyada qabiilka oo ku abuurtay qabyaalada, cida arrimahaasi sababtay qabyaaladana waa in iayagana xilalka laga qaadaa ama iyaga loo raacaa dambiyada ay waxan ku fuliyeen, gobolka togdheer markii la joogay xulka gobolka waxaa lagu soo xulay magac qabiil iyo ardaayo beeleed oo la yidhi reero ayaanu idinku qaybinaynaa, taasina ma anfacayso gobolka togdheer.

Anihgu waxaan halkan ka cadaynayaa in barortu orgiga ka wayn tahay mushkiladu maaha ciyaartoyga, dhalinyaraduna wax dambiya malaha ee ciddii galisay qabyaalada iyo sidii loo galiyay hala saxo” Xildhibaanka oo la waydiiyay eedaha wasiirka ciyaaraha looga jeediyay sida ay u maamuleen xulka gobolka togdheer ee qabyaalada lagu qaybsaday waxa uu yidhi “Marka horeba wasaarada ciyaaraha ayaa magacowday isku duwayaasha ciyaaraha ee gobolka togdher, kuwaasi ma ahaayeen ragii aqoonta u lahaa ciyaaraha ee gobolka Togdheer laga yaqaanay?, may ahayn waxay ahaayeen wasaarada dhinac ka raran, markaa haday marka horeba dhinac ka rarnayd waa sababta keentay is qabsiga iyo maamul xumada.

Waxaan qabaa in wasaarada ciyaaruhu ay dib iskugu noqoto ha saxdo qaabka loo soo xulayo xulka gobolka togdheer, ciyaaroyga gobolka togdheerna waxaan soo jeedinayaa in la soo daayo oo lala xoisaabtamo maamulka iyo cida ka dambaysa arrimahaa foosha xun” Xildhibaan Naasir oo ka hadlaya jidka u dhexeeya Hargeysa ilaa Burco ayaa tilmaamay in waddo xumo ba’ani ka jirto, isla markaana sababta shilalka gaadiidka ee ka dhaca jidkaasi oo uu sheegay inuu marayo heerkii ugu xumaa “Maalin ay ka xun tahay waddada u dhaxaysa Hargeysa ilaa Burco maan arag, godad baana ka samaysmay jidka laamida ah dhexdiisa, waana sababta keentay in shilalka gaadiidku ku bataan jidka u dhexeeya Burco iyo Hargeysa, xitaa laba gaadhi oo xamuula Dacar budhuq iyo Dhubato isku jiidhay waxaa la tahli kari waayay in jidka la jiido,.

 

waxa kale oo aan ku soo arkay dawga Sheekh meelihii biyuhu marayeen way wada awdmeen oo ciid iyo dhagaxaan ayaa buuxiyay, jidadka u dhexeeya Hargeysa ilaa Burco waxay indhahaygu qabanayeen jid fool xun oo wada godad ah. Wasaarada hawlaha guud ayaanu ku ogayn xilka waddooyinka waxaase naloo sheegay inlaga badalay, waa-ayo cid maanta ka masuula ah waddooyinka Somaliland ee dayacan dayactirkooda, haddii kale waxaa loo qaadanayaa in dadka loogi talo galay inay ku dhamaadaan jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Burco”