Xulka Hawd Oo Markii Labaad U soo Baxay Ciyaarta kama Dambaysta Tartanka Goboladda

Xulka Hawd Oo Markii Labaad U soo Baxay Ciyaarta kama Dambaysta Tartanka Goboladda

hawd1

HARGEYSA (SM)- Xulka kubadda cagta Gobolka Hawd ayaa u soo baxay ciyaarta kama dambaysta tartanka ciyaaraha goboladda dalka ee ka socda garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ka dib markii ay 1-0 ugu awood sheegteen xulka Gobolka Daad-madheedh oo ay ciyaartii semifinal-ka wada yeesheen.

Ciyaartan oo ahayd tii ugu xamaasadda kululayd tartankan waxay labada xulba soo bandhigeen ciyaar adag oo xeelad leh, waxaanay juhdigii labada kooxoodba sababeen in qeybtii hore lagu kala nasto eber iyo eber.

Ciyaarta qeybtii dambe oo labada xulba xarakaadkoodii ciyaarta iyo xeeladoodiiba kordhiyeen ayaa badhtamihii qeybtii labaad waxa xulka gobolka Hawd u suurto-gashay inay la yimaadaan goolkii ay ku badiyeen oo uu u saxeexay ciyaar yahanka la yidhaahdo C/Kariin Sheekhaawi oo ka ciyaara weerarka.

Goolkaasi waxa uu sii shiday xaraaradii ciyaarta oo isu bedeshay weerar iyo weerar celis aan kala go’ lahayn tan iyo intii ay ka dhamaanaysay, waxaanay 1 gool guushu ku raacday xulka gobolka Hawd oo xaqiijiyay inay sanadkii labaad gaadhaan ciyaarta kama dambaysta tartanka goboladda, waxaanay ciyaarta final-ka is haleeli doonaan xulka gobolka Maroodi-jeex oo ay sanadkii 2012-kii tartankii lagu qabtay Magaaladda Burco iskugu soo baxeen, ka dibna xulka Gobolka Maroodi-jeex ka adkaadeen markii ay ku kala baxeen 1-0 ay guushu ku raacday Gobolka Maroodi-jeex.

Salaanmedia/Hargaysa