Xuska maalinta aduunka ee haweenka carmalka oo lagu qabtay London iyo ururo Somaliland oo ka soo qayb galay

 

Xuska maalinta aduunka ee haweenka carmalka oo lagu qabtay London iyo ururo Somaliland oo ka soo qayb galay

June 23, 2013 | Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Posted by: 

London 23Jun13(SM) Waxa maanta lagu qabtay beerta hyde park corner oo ay bishu tahay 23/06/2013 xaflad lagu xusayo maalinta aduunka ee dumarka saygoodii geeryooday iyo dhibaatooyinka kala duwan ee nolosha ka haysta.

Ugu horaynrtii waxaa halkaa ka hadashay marwada ra’isaal wasaarihii hore ee dalkan Britain Cherie Blair oo tibaaxday dhibaatooyinka haysta dumarka ragoodii ka geeryoodeen aduunka gaar  ahaan dalaka Africa ee dagaalada sookeeye sida xun u rakaadiyeen.

Waxa sidoo kale ka hadlay xuskaa xubno kamid ah guurtida dalkan Britain, siyaasiin, fanaaniin iyo shakhsiyaad guud oo kala duwan.

Waxa xusid mudan in markii ugu horaysay taariikhda ay si mug leh ugu muuqdeen ururo  kala duwan oo ka soo jeeda Somaliland oo ay hormood  ka ahaayeen west London Somaliland community, Somaliland society, European association of somaliland diaspara oo u hogaaminayo Siciid Fransiis iyo Eng:Cabdinasir Garaad Abshir Saalax  iyo Somaliland united forum oo dhamaantood siiyay warbixino kala duwan waarbihiinta aduunka ee goobta ku sugnayd iyagoo tibaaxaya dhibaatooyinka  soo jireen ee haysta dumarka reer Somaliland ee carmalka ee ragoodii  lagu dilay xasuuqii dawladii kaligii taliska ahayd ee Somaaliya iyo sidii la iskaga kaashan lahaa wax qabad midho dhala oo la iswaydaarsado.

Waxa sidoo kale madasha ka muuqday  ganacsato kala duwan oo lagu martiqaaday  hormoodna ay ka ahayd xawaalada omaarglobal oo  iyaguna ballan qaaday dhankooda in wixii awoodooda ah ay ka qayb qaadan doonaan wax tarka hawshan gargaarka mudan.

Ugu danbayntii waxa la gudoonsiyeen dadkii tartankan socodka samafaleed ka qayb qaatay bilado kala duwan oo ay si wada jir ah u gudoonsiiyeen ururadii soo qaban qaabiyay xafladan xuska maalinta aduunka ee carmalka ee kala ahaa Hay’da looma oo ay madax ka tahay Cherie Blair iyo  garabka sanduuqa horumarinta mashaariicda afrika ee DVK ee u madaxa ka yahay xuseen alishaqi iyo sidoo kale masuuliyiin ka socotay Barclays Bank.

photo1

photo 7photo3photo 8