كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَهُوَ كُرْهٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ َكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ‎

Ø كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَهُوَ كُرْهٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ َكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

                           maqaal

  Assallaamu calaykum waraxma tullaah wabara kaatu

aad baan idiin kasallaamayaa bahdiina sallaan media ee madaxa banaan

                                    anigoo ah xuseen xirsi caamir

                                    inacaamir1960@hotmail.com

Ka dib sallaantaa isllaam ka iyo  aayadaa ka midka ah quraanka kareem ka ah

Waxaan doonayaa nigoo aan waxaba faalo dheer gelin in aan toos u abaaro ujeedadayda aan qalinka u qaatay ee aan cinwaanka uga dhigtay hadalka rabigeen qayb ka mid ah hadaba maalmahan waxa aynu warbaahinta ka maqlaynaa ama ku arkaynaa arrin cusub oo ku soo korodhay saaxadda siyaasadda soomaali land oo ah gudida wada tashiga iyo toosinta oo runtii muran badani ka dhashay magaceeda iyo qaab dhismeed keeda hadaba horta intaynaan ka murmin waxa sharcigu ka qabo ama distoorka dalku waxay illa tahay in aynu is weydiino su,aalahan soo socda oo ah

1 golahan ama gudidan maxaa keenay in lagu dhawaaqo?

2 Maloo baahan yahay gudi noocan oo kale ah xilligan?

3 Goluhu ma urur siyaasadeed baa mise waa gole talo soo jeedin wada?

4 Raga gudidan sameeyey  waa ayo?

5 Malaga yaaba in ay dalkan dhib u horseedayaan?

6 xukuumadu maxay kaga didday gudidan?

7 Markaad ka timaado xukuumadda ama golaha wasiirrada maxaa la gudboon madaxweyneheena inuu sameeyo ama ku maareeyo  arrinta golahan?

 

Hadaba akhristoow wallaal hadii aynu isku dayno su,aalahaa manta qof kasta oo u dhashay soomali land uu is weydiinayo in aynu ka shaqayno oo aynu u hello jawaabo ku haboon  waxa loo baahanyahay kolka hore in aynu fahano in aynu ka hadlayno arrin masiiri ah oo aynu ka fogaano weerar iyo difaac, eex iyo qabiil, kursi iyo magac doon, dhadhamo raadis iyo dan gaar  ah, Arrimahaas oo dhan marka  aynu ka nadiif noqono ayaynu qiimayn karnaa waxan laysku haysto ee laga hadlayo faa,iidadooda iyo khasaarahooda

Hadaba bal igala shaqeeya jawaabaha su,aalihii aynu is weydiiney

1 Su,aasha koowaad waxay noqonaysaa jawaab teedu

Waxa keenay in gudidanu abuur maan jumla wa tafsiil duuduub iyo faahfaahin waxa laga shaki qabaa wada hadallada inoo socda somaliya

Maxaa lagu daweyn karaa shakigaa? wada tashi iyo xogwarran qoto dheer

 

2 Su,asha labaad ma loo baahan yahay gudi noocan oo kale ah xiligan

Soo gaabi oo jawaabtu waa haa waayo waxa baaba,ay oo meeshii ka baxay labadii gole qaran oo ku milmay xukuumadda sidaa darted waa in ay dadku hellaan cid la socodsiisa waxa dalka ka socda iyo kolba heerka la marayo

3 su,aasha sadexaad goluhu ma urur syaasadeed baa mise waa gole talo soo jeedin ah

Taas jawaabteeda goluhu iyagaa ku qeexay war saxaafadeed kii ay soo saareen 15/7/2013 ka waana gole talo wadaag laakiin hadiiba ay noqdaan gale u dhisan  dan gaar ah taa ka ogolaan mayno

4 su,aasha afraad raga gudidan sameeyey waa ayo waa kuwama

Jawaabta su,aashaasu waxa weeye waa maskaxdii iyo aqoontii dalka

Waa rag ay si fiican u garanayaan dadkoodu maaha murtasiqo sida qolada ka qaylisay burco oo kalena maaha cunto doon iyo hunguri raadis

5 su,aasha shanaad Malaga yaaba in ay dalkan dhib u horseedayaan

Jawaabta su,aashaasu waa maya wanaag iyo madax banaani uunbay ka hadlayaan waana rag cidkasta oo aan ahayn kuwii u dhintay dalkan uga lixi jeclo badan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Laakiin dhibi way ka iman kartaa oo hadii lagula dhaqmo cabudhin iyo isku day xadhig dalku waxa uu geleyaa qalalaase iyo nabada oo faraha ka baxda

6 xukuumadu maxay kaga didday gudidan?

Halkas waxaynu u baahannahay in aynu is dul taagno in yar oo waxa ka dhalanaya su,aalo kale oo ad u tiro badan hadaba sida aynu ognahay golahanu muu sheegan baarlamaan, manay sheegan guurti ,manay sheegan madaxweyne yaal ,manay sheegan wasiirro, manay ku baaqin dagaal iyo wax khal khal gelinaya dalka, kumanay baaqin shir beeleedyo ,malaa diintaa la necabyahay xiligan e manay sheegan urur diineed,manay sheegan awoodda dalka oo may odhan golaha u talinta dalka ee waxay sheegteen ergo wada tashi iyo toosin la socota

Hadaba wallaal akhristoow illaahay baan kugu dhaariyee miyaanay yaab ahayn waxa xukuumadii ka qaylisiiyey miyaanayse hasanin xukuumadeena nin hullaab xumi in uu wax qarsanayaabaa la moodaa ama layli biyo korkiisa saran buu ka didaa bal adba caqligaga la kaasho oo ka jawaab

7 Markaad ka timaado xukuumadda ama golaha wasiirrada maxaa la gudboon madaxweyneheenu inuu ku qaabilo golahan?

Jawaabta su,aashanu waa talo iyo nasteexo qof kasta oo iimaankiisu qoyan yahay u muuqata waxaana weeye madax weyne manta adigaa albaabkii dhamaadka taariikhdii madoobeyd iyo bilawga taariikh cadba taagan oo haysta furihii haday somaali land ku noqoto calool nibiri dhiciba maysee waxaan u jeedaa hadii laysku dayo ka sokow burburka  dagaalka iyo bara kaca

Qofka keliya  ee taariikhi ka hadhaysaa nooca ay doontaba ha noqotee waa adiga hadaba ragganu waa ragii aad taqaaney oo cidina kaaga warrami mayso ee soo dhawee oo baadho oo la tasho oo bal iyaga iyo shacabkana is tus waxa ay wadaanna si curfigeena waafaqsan u baadh

oo ku ogow shakigana meesha ka saar

Iskana jir ku tallaabsi cabudhin iyo cago juglayni ku jirto una jajabnaw dadkaaga kana feker intaanad falin oo is weydii hadaad xidho xasan ciise ama faysal cali ama mid kale oo ka mid ah raga waxa ka dhalan kara oo is deji taladaada go,aan keedana yaanay cidi kula wadaagin.

shicibka reer Somali land iyagana waxaan leeyahay yaan la sharaysan gudidan ee halasoo dhaweeyo oo hala taageero iyadoo weliba la hor marinayo illaalinta qarannimada iyo jiri taanka Somali land

 

WA  BILLAAHI TAWFIIQ

XUSEEN XIRSI CAAMIR

Inacaamir1960@hotmail.com

              17/7/2013