Ciidanka Qaranka Oo Digniin U Jeediyay Maamul Goboleedka Puntland

Ciidanka Qaranka Oo Digniin U Jeediyay Maamul Goboleedka Puntland

July 2nd, 2013 Comments Off

BADHAN (SM)- Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay magaalada Badhan Yaasiin Cismaan Saalax (Gurey) oo shalay telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan, isaga oo jooga magaalada Badhan ayaa sheegay inay magaalooyinka Badhan iyo dhahar hada si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada qaranka Somaliland isla markaana ay ka saareen xubno ka socday guddida doorashooyinka Puntland oo magaalooyinkaasi soo galay.

Waxaanu taliye Gurey sheegay in markii ay ka war heleen in xubnahaasi ka socday Puntland ay ku sugan yihiin deegaanadaasi ay ciidamada qaranka Somaliland weerareen isla markaana ay ka saareen meelihii ay joogeen, waxaanu yidhi “way jirtay xili ay soo galeen magaaloyinka Dhahar iyo badhan qolo ka socotay Komishanka doorashooyinka Puntland, ka dib markii aanu ogaanay inay deegaanadaasi ku jiraan, oo dad yar oo u dhashay gobolka Boosaaso ay xagan wax ka wadeen ayay ciidamada qaranku weerareen meeshii ay joogeen, waanay baacsadeen.”

Yaasiin Cismaan Saalax (Gurey) waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiin ka socday maamulka Puntland oo hawlo ka waday magaalada Dhahar ay sidoo kale doraato weerareen kana saareen ciidamada qaranku magaaladaasi “qolo ka socotay dhinaca Puntland oo magaalada Dhahar dadka uga yeedhayay iyagana ciidamada ayaa shalay weeraray, dadka iyo maatada magaalada dhexdeeda ayay rasaas ka rideen, laakiin waa laga saaray” ayuu yidhi taliye Gurey.

Taliyaha ciidamada qaranka ee gobolka Badhan waxa kale oo uu tilmaamay in ciidamada qaranka ee aagaasi ay diyaar u yihiin isku day kasta oo kaga yimaada dhinaca Puntland isla markaana aanay maamulak Farooel uga suurtagelayn inuu wax sanduuqyo ah keeno deegaanadaasi.Waxaanu yidhi “Sanaaduuqda waxay doonayaan inay keenaan 16 ka bisha July 6-dfa maqribnimo laakiin wax goboladan ugu suurtagelaya ma aha, ciidanka qarankuna waa u diyaar, indhaha ayaanay ku hayaan, waxaanay eegayaan waa sanduuqa goobaha ay doonayaan in ay sanaaduuqda dhigaan ayaa lagu diyaarinayaa ciidamada oo aad iyo aad u badan, talaabo ayaanay qaadayaan ah inay indhaha ku dhuftaan.” Waxaanu intaasi raaciyay “Laba gobol oo xuduud leh ayaanu nahay gobolkan Badhan waa Somaliland, gobolka barina waa majeerteeniya oo waa Puntland, Gaalkacayo iyo Qardho ayaan nabad ahayn Badhan oo somaliland inuu Faroole sanaaduuq keeno ama carqalad ka rido waa mid aan soconayn, Somaliland na kama yeeli doonto indhahana ka laaban mayso, sida foosha xun ee uu Faroole muddada badan ugu doonayay inuu nabadgelyo darro ka abuuro deegaanadan” “Waxaanu leenahay Faroole ha ogaado arrintaasi in aanay ka soconayn, ciidanka qarankuna waa diyaar oo way joogaan Dhahar, Badhan iyo Laasqorayba, aagaas oo dhan waana ku diyaar.”

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka gobolka Badhan Maxamed Faarax Cumar, oo isna xalay u waramay wargeyska Dawan isaga oo jooga magaalada Badhan, ayaa sheegay inay ka maamul ahaan diyaar u yihin in aanay Puntland sanduuqyo keenin magaalooyinkaasi “Arrintaasi diyaar garawgeedu wuu jiraa, ciidanka qaranka iyo ka maamul ahaanba diyaar ayaanu u nahay, waxaan u soo jeedin lahaa Faroole inuu faragelinta ka daayo deegaanadan iyo shacabkayaga, nin gurigiisii gubanayaa ma aha inuu guri kale isku hawlo.”

Salaanmedia/Hargeysa

TOP