Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Kallumaysiga oo Maanta si Rasmi ah Xilkii ugu Wareejiyay Wasiirka Cusub ee Dhawaan la soo Magacaabay.

Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Kallumaysiga oo Maanta si Rasmi ah Xilkii ugu Wareejiyay Wasiirka Cusub ee Dhawaan la soo Magacaabay.

 

wasiirka cusub ee kaluumaysiga oo xilkii kala wareegay……….

Hargaysa(SM)-Xaflad Balaadhan oo Si heer sare Ah loo soo Agaasimay Oo Ka dhacday Hoolka Wey nee Wasaarada Kallumaysiga Iyo Khayraadka Badda, ayaa Ahayd Xafladii ay xilalka Kula Kala Wareegayeen Wasiirka Wasaaradaasi kallumaysiga Cabdilaahi jaamac Geel-Jire iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaradaasi Cali Jaamac Faarax, iyada oo xafladani ahayd Xaflad Ay ka Soo Qaybagaleen Qaar kamid ah golaha Wasaarada Xukumada Silanyo iyo Shaqaalaha wasaardaasi Sidoo kale taliyaha Ciidanka Badda Somaliland.

waxaa ugu Horeyn Halkaasi Hadalo kooban Ka Jeediyay Qaar Kamida Madax-da Mamuulada badda Ee Isku Xidhka Wasaarrada Iyo Kallumaysatada, Iyada oo Sidoo Kale uu Madashaasi Ka Hadlay Wasiirka Cusub Ee wasaarada warfaafinta Mid. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse isaga oo Soo dhaweeyay waiirkan Cusub Una Mahad Naqay Wasiirkii Hore Sida Fiican Ee Uu xilkaasi Umada Iyo Dawladaba Uu U Hayay uu U wareejinayo, Isaga oo Intaasi ku daray Inay Wasaaradan Waxbadan Qabatay Laguna Xasuusan Doono Wasiirkan Hada Xilka Badalaya horun marka Wasaarada Oo ahayd Inuu U dhisay Wasarada Meel muuqata oo Ahayd Fooqii Dhawaan Xadhiga Laga Jaray Taai oo wasarada Kor U soo qaaday Madama Oo Ay Fiicantahay Ayaa uu Yidhi In Qofku Hoygiisa Ka Bilaabo Inta uuna haqada Guudo Galin Taasina Ay Noqon Karto Horunmarka Uu Gaadhsiiyay, Sidoo Kale Waxaa Munasibadaasi Qiimaha Badnayd Ka Hadlay Aggasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Mud. Waxaa Gaba Gabadii Xafladaasi Ka Hadlay Wasiirkii xilka Wareejinayay Mud. Cabdilaahi jaamac Geel-Jire Isaga oo Tabtay kuna Dheeraday inay Tahay Wasaaradani wasaarada aadka Ugu Fiican Somaliland Lana Rabo In La Maal Gashado madama Oo Ay Tahay Wasaaradii Khayraadka Badda Isla Mar ahaantaana Aynu rabno Inaynu wax soo saar ku sameeno Baddena, waxaa kale oo jirta ayaa uu yidhi wasiirku in ay Noo Socotay Xukumada In laga Wada hadlo habkii wax Loo bari Lahaa Dadka kaluumaysatada Ah madama oo Ayna Aqoon u Lahay Kallumasiga Badda Markaana : rabo Dad Aqoon u Leh oo Noqota ganacsato Ay Wasaaradu Gacan Qabto In kasta oo Ay jiraan Ayaa uu Yidhi ardey hada aanu gacan Haynoo oo aad u taba baran oo wasaarada ku Xidhn Insha Allh Aanu Doonayno inay Noqdaan Ganacsato Waaweyn Oo Badda Maalgashada Dadka Iyo dawladana wax Tara, waxaanu U soo Jeedinayna Ayaa uu Yidhi Wasiirku ganacsatada waaeyn inay Maal gashadaan Dhulkooda Hooyo Iyo Badda ku taala Isaga oo Sheegay Inay Xidhiidh la Sameeyeen Ganacsade Weyn Oo Qurbaha Joogay Isla Markaana uu Hada ku Dhawaaqay inu Maal Gashan Doono badda taasina Ay Tahay tuusale wanaagsan iyo ku dayasho Wax tar leh.
Gaba Gabadii Ayaa waxaa Halkaasi Shahaado Sharaf Ay U Soo Igmadeen Shqaalaha Wasaaradaasi Lagu Guddonsiyay Wasiirkii Hore Ee Wasaaradaasi Mud. Cabdilaahi jaamac Geel-Jire Iyaga Oo Kula Kala Wareegay Xilkiina Goobtaasi.

Salaanmedia/Hargaysa