Waftigii Somaliland Ee Ka Qayb-galay Shirkii Wada-hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Dalka Turkiga Oo Soo Gaadhay Addis-Ababa. +Sawiro

(SM-Addis-ababa) Waftigii Somaliland ee ka qaybgalay shirkii dalka Turkiga ku dhexmaray labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa soo gaadhay Magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya. Waftiga oo markay ka soo degeen garoonka diyaarahada lagu nasiyay qolka Madaxda loogu tallo galay ee VIP-da, waxaa halkaas kaga horyimi sarakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, iyo Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalkaasi Itoobiya ahna ku simaha Safiirka, Ayaanle Salaad Diiriye.

Waftiga oo loo galbiyay Huteelka loogu tallo galay inay ku sii nastaan, waxaa lafilayaa inay maanta soo gadhaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waftigan oo ahaa mid miisan culus leh, waxay ka koobnayeen, Golaha Wasiirada Xukuumadda, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo qaybo kamid ah Saxaafadda.

 

Waxayna Jimcihii hore ka anba baxeen Magaaladda Berbera, iyagoo Magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga kaga qaybgalay shir ballaadhan oo qodobo adag lagaga dooday, kaas oo ugu danbeyntii keenay in Somaliland soo ceshato maamulida hawadeeda sare. Geesta kale waftigan ayaa ahaa kuwo siweyn ugu ad-adkaa qadiyada Somaliland iyo qodobada ay miiska soo dhigeen muddadii uu shirku socday.

Salaanmedia/Adis-Ababa