Hay’adda HAVOYOCO Oo Munaasibad Ballaadhan Ku Maamustay Qaar Kamid Ah Masuuliyiintii Uu Dhawaan Madaxweynaha Somaliland Xilalka U Magacaabay. +Sawiro.

(SM-Hargaysa) Hay’adda  HAVOYOCO oo kamid ah hay’adaha waa weyn ee Somaliland ayaa Munaasibad ballaadhan oo casho shar iyo afur isugu jirta, waxay u sameyeen qaar kamid ah Masuuliyiintii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland xilalka u magacaabay, Munaasibadan oo ka dhacday Huteel Maansoor, waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta Hidaha iyo Dhaqanka Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Maayarka Caasimadda Hargaysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Soltelco) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga, Badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil,  aqoonyahano iyo marti sharafkale.

Masuuliyiinta Munaasibadan lagu maamusay oo kala ahaa, Agaasimaha hay’adda la dagaalnka HIV, ADISKa, Prof: Cabdi Cali Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Maxamed Xasan Siciid, iyo Kamaal Maxamed Faarax oo kamid ah aasaasayaashi hay’adda HAVOYOCO,  muddooyinkii ugu danbeeyayna ku sugnaa waddanka Ingiriiska.

Waxaa ugu horeyn munasibadaas ka hadlay, Agaasimaha Fulinta ee HAVAYOCO, Cumar Shiikh Cabdillaahi Ciise, oo sharxay u jeedada ay xafladan u qabteen, waxaana hadaladiisi kamid ahaa. “Waxaanu soo dhaweyntan ugu tallo galnay, Masuuliyinta uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Xilka u magacaabay, gaar ahaan Cabdi Cali Jaamac oo runtii kamid ahaa HAVOYOCO,  iyo Maxamed Xasan Siciid, agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda oo isna saxiib dhaw muddo dheer la ahaa HAVOYOCO, waxaanu isna soo dhaweynaynaa Kamaal Maxamed Faarax oo ahaa asaasayaashi hay’adda HAVOYOCO, waxaan u mahad naqayaa Wasiirada iyo axsaabta kale ee ka soo qaybgashay soona ajiibay afurka iyo casho sharafta aanu masuuliyiintan u samaynay.”

Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Sotelco oo kamid ahaa masuuliyiintii munaasibadaas ka hadlay, ayaa ka warbixiyay tariikhda hay’adda HAVOYOCO, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay qorshaha uu Madaxweynaha Somaliland xilka ugu magacaabay dhalinyaro badan oo da’ahaan aad u yar. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Cabdillaahi Cukuse, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisi kamid ahaa. “Hay’adda HAVOYOCO waxay kamid tahay hay’adaha wadaniga ah ee hirgalay, markaynu soo qaadano Dahabshiil iyo Telesom, runtii waynu ku xigsiinaynaa, mardanbe ayaynu odhanaynaa oo labadaasi aadbay uga horeeyaan balse yana waa mid kamid ah hay’adaha hirgalay oo inbadan ayay ugu weyntahay.”

Ugu danbeyntii waxaa xafladaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, oo si weyn uga shekeeyay tariikh nololeedkii qaar kamid ah masuuliyinta la magacaabay, gaar ahaan Prof. Cabdi Cali Jaamac, sidoo kale wuxuu Wasiirku tilmaamay in sida la sheegay ay hay’adda HAVOYOCO kamid tahay hay’adaha waxbadan ka gaystay arrimaha bulshada muddo dheerna hawlaha samafalka ka shaqaynaayay. Waxaa iyaguna munaasibadaas ka hadlay masuuliyiinta xaflada loo qabtay oo ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran ee ay hay’adda HAVOYOCO u samaysay.

 

Salaanmedia/Hargaysa