Taliyaha Qaybta Policka Ee Togdheer Oo Dirays Ciidanka Waddooyinka Ah Kala Wareegay Hablo Qurba-Joog Ah+Sawiro

1005194_603274029716987_2128937555_n
Burco:Taliyaha Qaybta Policka Ee Togdheer Oo Dirays Ciidanka Waddooyinka Ah Kala Wareegay Hablo Qurba-Joog Ah+Sawiro
(SM-Burco) Ciidanka Nabad-Galyada Wadooyinka Ee Loo Yaqaano Tarafikada Ee G/Togdheer ayaa maanta Loo Qaybiyay Dirays loogu talo-galay ciidankaasi.

Deeqdani Dirayska ah ayaa Waxa ciidanka Nabad-Galyada Wadooyinka Ugu deeqay Hablo dhalasho ahaan ka soo jeeda G/Togdheer kuwaasi oo ku nool Magalada Manchester Ee Wadanka Britain.

Faadumo Xasan Ismaciil Oo Loo soo Wakishay Deeqdani Dirayska ah Oo Halkaasi ka hadashay ayaa Shegtay in dirayskani loogu talo-galay ciidanka Tarafikada ee ka howl-gala G/Togdheer.

Faadumo ayaa sidoo kale shegtay in aanay deeqdani ahayn markii ugu horaysay ee ay deeq noocan oo kale ah ay soo gadhsiyaan ciidanka Nabad-Galyada Wadooyinka Ee G/Togdheer.

Taliyaha Qaybta Police Ee G/Togdheer Axmed Xasan C/Raxmaan (Ilka-Case) Oo isna ka hadlay deeqdani Dirayska ah ayaa Hablaha Qurba-Jooga ah Ee soo Diray Deeqdani uga mahad-naqay.

Ugu Danbayntii Ciidanka Nabad-Galyada Wadooyinka Ee Tarafikada Ee G/Togdheer ayaa iyagu ah Ciidan haya Howl-shaqo aad u badan.

Salaanmedia/Burco