16 Qodob Oo Cad Cad Ayaanu Halkaas U Soo Dhignay Oo Mid Waliba Faah Faahintiisa Uu Leeyahay, Waanay Ka Jawaabi Waayeen Oo Wado Kale Ayay Jeexeen

16 Qodob Oo Cad Cad Ayaanu Halkaas U Soo Dhignay Oo Mid Waliba Faah Faahintiisa Uu Leeyahay, Waanay Ka Jawaabi Waayeen Oo Wado Kale Ayay Jeexeen

July 13 2013 Hargeysa(SM)-Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne), ayaa sheegay in aan xukuumadu wali ka jawaabin dhaliilihii 16-ka qodob ahaa ee ay soo bandhigeen, waxaanu sheegay inay taas bedelkeed jid kale isku qaadeen.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiirkiisa daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa si adag uga hadlay ku dhawaaqista golahan, waxaanay sheegeen inuu yahay sharci darro, iyagoo ku hanjabay inaanay sharciga ku tuman karin dad uu sheegay inay aflagaado la soo taaganyihiin. Hase yeeshe Afhayeenka golahaas Mujaahid Ibrahim-dhegoweyne, oo uu Geeska Afrika xalay weydiiyay sida uu u arko dhawaaqa ay Madaxweynaha iyo xukuumadiisu kaga dareen celiyeen golahooda, ayaa si kooban u yidhi “Wixii aanu anagu ku dhaliilnay hal eray kamay odhan ee wado kale ayay mareen, waxii waanu qabnaa ama ma qabno ha yidhaahdeen.”

Ibrahim-dhegaweyne, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “16 qodab oo cad cad ayaanu halkaas u soo dhignay oo mid waliba faah faahintiisa uu leeyahay waanay ka jawaabi waayeen oo wado kale ayay jeexeen.”

Golahan wada tashiga iyo toosinta qaranka oo ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin culusi, ayay bulshadu si weyn u faaqidaysaa tan iyo maalintii lagu dhawaaqay aasaaskiisa, waxaanu u muuqdaa gole ay isugu tageen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Faysal Cali Waraabe, Xasan Ciise Jaamac, Ibrahim-dhegaweyne, Cali-Gurey, Ciise Curaagte, xildhibaan Saleban Cali Koore iyo xubno kale.

Salaanmedia Hargeysa Office

Xigasho Geeska