About Contact Us Stay Connected Friday, July 26th, 2013 | Posted by admin Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Dhawaan Soo Magacaabi Doono Guddida Ictiraaf Raadinta Qaranka Oo Wasiirka Khaarajiga Garab Gali Doona

SIILAANYO

July 26,2013 Hargaysa(sm)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la Sheegay inuu dhawaan Magacaabayo Guddida Ictiraaf raadinta Qaranka, kuwaas oo ka Shaqeyn doona Qaybo ka mid ah Arrimaha Diblamaasiyada Somaliland ee ay hore u qaabilsanayd Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah, arrintan oo ku soo beegantay wakhti uu dalka soo gaadhay Diblomaasi ruug cadaa weyn ah oo loo Magaacaabay Wasaarada arrimaha dibada, kaas oo muddo badan la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay.

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola Qasriga Madaxtooyada Somaliland, guddidan Madexweynuhu u Magacaabayo Siyaasada Arimaha Dibada qeyb kamid ah gaar ahaan Gudida Ictiraf raadinta Qaranka waxa la filayaa inuu ka mid noqdo Professor Axmed Ismaaciil Samater, Wasiirkii hore ee Wasaarada Kalluumaysiga  Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire), iyo xubno kale, kuwaas oo la filayo in Magacaabistoodu hada miiska saaran tahay, taas oo ay Madexweyne Siilaanyo iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samater ku kala tageen kadib markii uu kulan gaar ah lasii yeeshay intii aanu ka ambabixin Somaliland inuu kala Shaqeyn doono Arrimaha Diblamaasiyada Caalamiga ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, wakhti uu dalka dhawaan soo gaadhey Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada loo Magacaabay Maxamed Biixi Yoonis, oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Arrimaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Diblomaasi ruug cadaa ah oo muddo badan ka soo shaqeeeyay hay’adaasi UN-ta

 

 

Salaanmedia /Hargaysa

source hatuf