ADEEGA ZAAD WAA ADEEG NOLOSHA SOMALILAND KA DHIGAY MID FUDUD MAGACNA U SOO JIIDAY QARANKA SOMALILAND W/Q: Farhan Mohamed Hassan (rakad)

Waa qormo ka sheekaynaysa adeega zaad service iyo sida uu uga shaqeeyo magaalada hargeisa halkaas oo aan macluumaada badan ka soo ururiyay qaar ka mida sariflayaasha waawayn ee magaalada iyo dadka sida gaarkaa u istcimaala iyo waxay dadkaasi ka idhaahdeen.

 

image

 

HORDHAC

Adeega zaad oo la aasaasay/bilaabay  taariikhdu markay ahay (18MAY 2009)  kana  mid ahaa adeegyada ay shirkada telesom bixiso adeegaas ayaa bulshada reer somaliland si wanaagsan u soo dhaweeyeen. Adeegaas oo ka qayb qaatay baahiyo badan oo nolosha ka mida . waxaanu noqday mid somaliland u soo jiida sumcad iyo magac kaas oo soomaaliland ka dhigay dawladaha tirade yare e isticmaala marka la joogo Africa. Adeegan oo imika maraya marxaladii ugu wanaagsanayd. Bulshada somaliland ay 88% isticmaasha adeegaas. Adeegan oo noqday adeeg guulaysta dad badan oo maanta somaliland ku noolna noloshoodii kor u qaaday ayaa waxaan sameeyay research cilmi baadhis ah oo aan uga dan lahaa inaan ogaado faaidooyinka adeegan iyo sida kor loogu sii qaadi lahaa kadibna waxaan waraysi la yeeshay  dad badan oo hargeisa ku nool  halkaas oo aan ku waydiiyay su,aalaha kala ah

 

ADEEGA ZAAD SIDEE U ARAGTAA ADOO XAGA WANAAGSAN KA EEGAYA

Runtii dad badan oo aan la yeeshay waraysi dhinac yo badan taabanaya ayaa waxay ii sheegeen inuu zaad service yahay adeeg ilaahay soo diray kaas oo noloshii dadka reer somaliland ka dhigay mid aad u fudud warwarkiina ka saaray

Tusaale ahaan haddii aan maanta shaqo u tago meel magaalada ka baxsan waxaan reerkaygii biilka ugu soo dirayaa waa zaad halkaansa waxa ka soo baxay natiijo wanaagsan oo bilaa war war ah taas oo sababtay in ay dad badan si wanaagsan u seexdaan. Oo ay ka war war la,aadan biilkii caruurta.

Qaar ka mida sariflayaasha waaweyn ee magaalada hargeisa ayaa sheegay inuu yahay adeeg aanu qiimaha iyo faaidada aanu ka helnaa aanan qiyaasi karayn kuwaas oo sheegay inay noloshoodu maanta ku xidhan tahay adeega zaad waa xaga shaqadee, oo  markastana waxaanu ku shaqaynaaa waa adeega zaad kaas oo qofkasta isagoo goobtiisa jooga aanu u dirno wuxuu u baahan yahay.

Qaar ka mid ah sariflayaasha waaweyn ee magaalada hargeisa ayaa iyana u sameeyay halkudhigyo ah

ADEEGA ZAAD WAA SAHAYDAADIIYE YAANU KU SEEGIN halku dhigaana waxa sameeyay nin magaciisu ku soo koobay ALI kaas oo isna yidhi zaad waa bank ama xawaalad wareegaysa oo bilaa kayuu ah

 

MAXAA KA MAQAN BAAD IS LEEDAHAY ADEEGA ZAAD

Qaar ka mida dadka ka ganacsada adeega zaad ee aad ka u isticmaala ayaa iyagu sheegay inuu yahay adeegan mid aad looga fikiray oo la isku halayn karo kaas oo aanan filayn inuu wax ka maqan yahay waxa kale oo ay idhaahdeen sarif layaal badan oo uu ka mid  shiine la idhaa  waxaan ka codsanaynaa maamulka shirkada Telesom in naloo kordhiyo adeega dhinaca lacag qaadista iyo iyo lacag dirista oo marka aanu ku shaqaysanayno  adkaata inaanu hal mar dirno lacagtii nalooga baahnaa ee aanu u sii diraynay sida  magaalada wajaale oo noo ah meel udub dhexaad ah.

Dadkaas ka ganacsanayay adeega  zaad ayaaa waxa kale oo ay soo sheegeen in loo sameeyo qaybtii reportka ama aanu ka helaynay  dhaqdhaqaaqayagii ugu dambeeyay

MAXAAD SE KULA TALINAYSAAA MAAMULKA SARE EE SHIRKADA TELESOM

Waxay dad badan sheegeen oo ay soo jeediyeen in adeega zaad yahay mid sahle ah oo nolosha reer somaliland mii iyo magaalaba ka dhigay mid aad u fudud sababayna in ay yaraadaan dhamaan lacag fara badan oo kaga bixi jiray jid mar , wakhti badana badbaadiyay iyo lumistii iyo xadistii faraha badnayd .

Waxay soo jeediyeen in security adeega aad loo sii adkeeyo kana ilaaliyaan waxkasta oo khal khal ku keeni kara.

Intaa ka dib markaan waydiiyay dadkaas ayaa waxaan ogaaday in adeega zaad yahay adeeg qiimo ugu fadhiya dadka somaliland kaas oo wax badan ka badalay dadka somaliland wax badana u kaydiyay tusaale ahaan xagii aad bas ka raaci lahayd waxaad odhanaysaa wixii aan kugu lahaa ama aad I siinaysay ama aad iskuul ama jaamacad ku bixinaysay iigu soo dir zaad service kaas oo badbaadiyay waxyaalo ay ka mid yihiin sida

Wakhtigii ku bixi lahaa(time keeper)

Lacagtii taraaga  ( fee of transfer)

Iyo lumistii ama xadistii (lost and theft)

Qaadistii laga qaadi lahaa sida tuugta oo kale (taking theft)

 

Faaidooyinka waaweyn ee adeega zaad waa mid aan halkan lagu soo koobi Karin kaas oo  ka mid noqday baahiyaha aasaaska ah ee reer somaliland .

Tusaale ahaan maalin ayaa waxaan arkay inan yar oo meel ka shaqaysa oo ay ka luntay mushaharkii ay shaqaysatay oo dhan dabadeedna waxaan  ku soo baxay gabadhii yarayd oo meel ka daydayaysa  lacagtii ka luntay dababadeedna waaxaan niyada galiyay hadii gabadhaa yar ay mushaharkeeda lagu siin lahaa zaad maanta kamay lunteen! waana sababaha igu dhaliyay inaan research ka sameeyo adeegan wanaagsan ee ay inoo fulisay shirkada telesom kana mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ay bixiso ka loogu isticmaalka  badan yahay waa adeeg aynu odhan karno cidkasta oo isticmaashaa waa ka masuul ilaalintiisa iyo fikrad ku kordhintiisaba maxaa yeelay waa wax inaga wada dhexeeya  shirkadana waa aynu ognay sida ay ilaaliso oo aan habeen iyo maalinba  u taagan siday u ilaalin lahayd adeegaas.

Waxan ku soo gabagabaynayaa adeega saad waa saqire nolosha meel wanaagsan kaga jira wax badan fudaydiyay wax badana save gareeyay .

Waxana xusid mudan qofkasta oo gacan ka gaysta samayntiisa iyo ilaalintiisa kaas oo ah meel hantida umadeed taalo una baahan taxadar fara badan iyo  ilaalo khaas ah.

 

Waxaan kula talinayaa dhamaan maamulka sare ee telesom

I.            Inay sameeyaan  shaqaale qarsoon oo  u gaara oo ka shaqeeya ilaalinteeda suuqana ku dhex jira kuwaaas oo soo gudbinaya cidkasta oo doonaysa inay fara galin ku sameeyaan.

II.            Inay sariflayaasha waaweyn la kulmaan bishiiba mar iyagoo kala tashanaya waxyaalaha ku adag kala dardaarmaya inay ka feejigaanaadaan cidkas oo aan si waajiba u isticmaalayn una soo gudbiyaan cidkasta oo ay ka shakiyaan.

III.            In la sahqeeyo habeenkii ilaa inta dadka soo jeedaan oo aanay xidhin

IV.            In dhamaan dadka sarif layaashaa lacagtooda ka qaldanta ee lambarkuna xidhan yahay  si gaara loogu soo celiyo  lacagtii iyagoo  lala hubsanayo. maxaa yeelay iyagu  waa dad kii ku shaqaynayay tix galina waa in la siiyaa

V.            In la badiyo goobaha suuqa ee zaad ka kaliya ah

VI.            In la si gaara loo ilaaliyo dhamaan adeegaas xiliga salaada oo ah wakhti la tukanayo.

 

N.B

Zaad waa sahle

Zaad waa sakhire

Zaad cidaan  lahayn bay dhibi haysaa

Zaad waa adeeg ilaahay  inoo fudaydiyay

Zaad waa roob soo da,ay

Zaad iyo nolol  ma kala maarmaan

La jaan qaad jiilkaaga oo zaad samayso

 

 

Insha allah la soco qaybaha dambe  oo ku saabsan adeega iyo mustaqbalka fog (long  life)

 

Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

   Bachelor of management science and information technology

Social activist

Thank you all

Post number:  RP34

Allaa mahad leh

Â