Qofkasta oo aduunkan dushiisa kunooli waa uu guuleysankaraa hadii uu kasoo baxo ama uu buuxiyo shuruudo badan oo noloshiisa wax kabedelikara. sida qofkasta oo kawkan dushiisa ku nooli ogsanyahay waxa jira dad badan oo nolosha kagaadhay horumar lataaban karo. hadaba waxa aynu soo qaadanaynaa dhawr shay oo qokastaba u horseedi kara guul aduun iyo mid aakhiraba hadii uu layimaado. waan kuwan hoos ku qoran,
1: Inaad noqoto qof alehka cabsi badan oo ilaahay si toos ah ugu xidhan goor kasta iyo wakhti kastaba.
2:DAACADNIMO [honest]. qofkasta oo muslim dhab ah waxa lagudboon inuu daacad unoqdo waxkasta oo qabanayo sida shaqadiisa. reerkiisa. dalkiisa. dadkiis. iyo bulshada uu kudhexnoolyahay intaba.
3:DULQAADKA [patient] . dulqaadku waxa uu kamid yahay shayga ugu horeya ee asaaska u ah guusha nolosha. waayo qofkasta sida uu yahay dulqaadkiisa ayuunbanu guulkasta ku gaadhi karaa. samirku waa jidka lagu gaadho guulkasta dhinaca kale isbedelka nolosha ayaa iyaduna u baahan samir iyo dulqaad dheeraad ah.
DADAALKA [effort] . Dadaalku waxaynu odhan karnaa waa mid kamid ah furayaasha guush kaasi oo loobahanyahay in lasameeyo shaqo kasta. hawlkasta. oo laqabto in loo dadaalo sida ugu haboon uguna macquulsan, tusaale inaad ku dadaasho waxad heegsanayso oo aad rabo inaad kamidho dhaliso hadii eebe kulagarabgalo.
4:AQOONTA [knowledge]. Run ahaantii sida qofkastaba ogsonyahay aqoonta qofku waxay geysaa meel aad u sareysa. sidaa awgeed waxkasta oo aad isleedahay kuguulayso waa inaad aqoontedina leedahay. hadii aanad lahayn waa inaad waayo aragnimadeedii leedahay.
5: DHAQANKA [culture]. shaykasta oo aad jeceshay inaad kagaadho guul waa inaad fiiriso ama eegto dhaqan malooleeyahay sheygan intaad bulshada usoo badhigin. mise dadka aad donayso inaad uso badhigto masoo dhaweynayaa arinkaasi.
6:BALANQAADKA [appointment]. balaqaadku waxa uu kamid yahay waxyaalaha qofka sitoos ah wax uga badelikara, tusaale ahaan hadad meherad leedahay oo aad dadka macmiishada aad u balanqado inaad u keenayo alaabooyin dadku xiisaynayaa waxay taasi kuu horseedi kartaa guulo badan iyo kalsooni badan oo dadku ay kaa aaminikaraaan.
7: KARTIDA [creativity], shay kasta oo aad qabanayso waa inad awoodiisa iyo kartidiisaba leedahay, oo aanad cidkale aanad wax kasugin.
8: HOGAAMINTA [ leadership], Inaad noqoto qofhagaamintisu tahay mid qofkasataba soo jeedinkarta islamarkaasina ay bulshadu u aragto qof dalka iyo dadkaba daacad u ah. oo waxqabad lataabankaro sameynkara. dhinacakale waa inuu yahay qof go,aangaadhikara [decision maker].
9:DABACSANAN [ flexibility], waa inaad tahay qofdabacsan oo go.aankugaadho aan kasoo noqokarin. laakiinse eegaya dadka baahidiisa. dadka u dabacsan oo aanad noqon qof ad .adag oo macagag ah.
10:WADAXIDHIIDHKA [ communication]. waa muhiim ah inaad noqoto qof dadka si wanaagsan ulaxidhiidha una mahadnaqa goorkasta oo aad waxkarabtid ama wax ay kuuqabteen. ogsoonow mahadnaqu qofka waxa uu siiyaa dhiiri galin dheeraad ah [ motivation]. waxana lagama maarmaan ah inaad dadka ula xidhiidho si xushmad iyo qadarin ku dheehantahay.
11:ILAALINTA WAKHTIGA. [time keeping]. wakhtigu waxa ugu horeya ee lasiinayo muhiimada, waayo qokasta waxa uu ku xisaabtamayaa wakhtiga maxaa yeelay wakhtigu waa shay qaaliya , [.time is money]
12: QOF XAGA WANAGSAN KA EEGA. [positive person] wax muhiim ah inaad noqoto qof xaga wanaagsan waxkasta ka eega oo aan u fikirin dhinaca qaldan ama dariiqo qaldan.
13: QOF RIYO FOG LEH ,[ vision]. waa muhim inay jirto meel aad hiigsanayso aad donayso inaad gaadho hadii ilaahay kuu dhibyareyo. wana inaad taqaano ujeeda aad ushaqaynayso iyo waxad aad donayso inaad kamidho dhaliso hadii ilaaha awooda lihi kuu dhibyareeyo.
Cabdi Barud Cabdi Xarago .
Bristol uk.