BAAFIN:Dhamaan Shicibka Reer Somaliland Waxaan Ka Codsanayaa Inay Ila Raadiyaan Wasiirkii Arimaha Dabada Eee Uu Dhawaan Magacaabay Madaxweyne Siilaanyo.Maxamed Biixi Yoonis./Qalinkii Abwaan Maxamed Xashar

maxamed-biixi-Yoonis

June.15.13 France (SM)Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada somaliyeed meel walooy joogaan gaar ahaan reer somaliland waxaanan idin leeyahay Ramadaan Kariim (ASCW)- Waxaan caawa oo ay taariikhdu tahay 15 bisha June 2013 habeen isniina aan halkan ka baafinayaa wasiirka arimaha dabada ee uu dhawaan magacaabay madaxmweynaha jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Mohamed Mohamud (Siilaanyo).

Sida aynu wada ognahay waxa uu dhawaan madaxweyneenu sameeyay isku shaandhayn iyo badalid fara badan,taasoo la isku badalay sawiiro badan iyo wasiir ku xigeeno halka qaar kalena laga saaray saaxada xukuumada talada haysa, sidoo kalena waxa la keenay ama lasoo waariday wasiiro aan hore loogu arag masraxyada siyaasada ee somaliland inkatoyna ka madhnayn dhanka siyaasada.

Hadaba waxaan caawa qalinka u qaatay inaan idin waydiiyo si aynu isu waydiino una waydiino cida ay khusayso arintan iyada ah.

Waynu ka dharagsanahay qabka iyo sida ay u shaqayso dawlada hatan talada dalka gacanta ku haysaa,waxa kaloynu ognahay in ay caado ka dhigatay ku dhah oo ha dhagaysan,ku jar oo ku jiqsii,afku gudhan,dhagtuna awdan!! waxa taas kasii daran siyaasadeeda oo ah mid huluulo badan misana ay iyagu is leeyihiin dadka dhamantii waa wada indhoole,waxaad arkaysaa arin lagu haysto oo ay dhamaan shicibka jamhuutiyadu wada sugayaan jawaabteeda iyaduna ay ku danbabastay hawl kale oo hor leh, hadiiba ay maqlaan maanta waxaasaa suuqa yaala waxa isla markaaba loo hawl galayaa sidii lagu baabiin lahaa hawshaa iyada ah iyadoo la abuurayo xaalad kale oo cusub si loogu ilaawo tii hore xaalada ay abuuraana ma noqoto mid bar dhamaad leh oo laga wada heshiiyo,Tusaale arintii Ururka Xaqsoor oo aynu ogayn in dhac iyo dhimashaba la tabanayo misana aay cid xalisay aanay ilaa alaankaa jirin.

Waxa la furay gogol la leeyahay waanu idinla arinsanahaynaa isakaba daa in la heshiiyee iyagibaa la fagay sida dunta markaasaa labadii gudoomiye ku xigeenba xilal loo magacaabay iyadoo la isleeyahay waxay ku ilaawi doonaan tabashadoodii balse way kasii dartay, kusii dheeran mayno taas ee bal tan kalena ila eega,Hubaal waa wargays madax banaan waxaad ogaydeen in weerar lagu soo qaaday,weerarkaasoo la sheegay inay kusoo qaadeen niman ka tirsan ciidanka nabad galyada ee Police ku Janankuna uu qirtay balse ilaa hada aanay jirin kiiskaas meel lagu soo afjaray iyo cid gartaa qaadaytoona.

Waxa la sameeyay si loo baabiiyo dibna aan loogaga wada hadal ayaa iyagii danbi aanay gallin korka looga tuuray!! danbigaas oo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn loogana gon lahaa in lagu ilawsiiyo shicibka iyo dhibanayaashaba kiiskaas hore ee weerarka ahaa!!

Inagoo intaasoo dhanba og’ oo aanay inaga qarsoonayn inkaloo badan oo daqiiqado ku dhaafi ahina jirto ayaa waxa aan kaba sokayn una eeg arimahaas aan soo sheegnay,tan wasiirka arimaha dibada oo iyadu hada ciinba daaqaysa,

Waxa jirtay in wasiirkii hore ee arimaha dibada iyo xidhiidhika caalamiga ah in badan iyo dad badaniba dhaliilayeen iyadoo la sheegaayay inuu laciifiyay oo uu wiiqay hoosna u dhigay siyaasadii ay somaliland ciyaaraysay ee arimaha dibada.

Inakstuu ka dhago adaygay oo uu in badan hoos iyo hor joogba u yidhi maxamed la badali maayo oo anaa ku kalsoon gabagabadii waxa dhacday inay iyagu is yara khilaafaan waa sida aan maqlaye, taasoo sababtay in faylkii furnaa ee isku badalka la raaciyo, loona dhiibo wasaarad kale oo aanu marka horeba shaqadeeda ka faro madhnayn shirar gaar oo dano laga laha danno khaas ah oo arimaha ganacsiga ahna uga qayb galay,

Isku soo wada duuboo waxa isla xiligaas loo magacaabay laguna badalay wasiir cusub oo ay dhamaan umada somaliland soo dhaweeyen una hanbalyeeyeeyn iyadoo uu wasiirkani noqday ka kali ah ee loo hanweynaa badalkiisa,falaadh weyna ka gooyay inta danaynaysa ishana ku haysa arimaha dibada S.land, wasiirkaas oo ah Maxamed Biixi Yoonis lagu xanto inuu siyaasada arimaha dibada ku yahay Cabqari siyaasad abuur ah siiba meelaha ay siyaasadoodu aadka u cakirantahay.

Waxa hadaba is waydiintu tahay, wasiir la magacaabay sida caadadu ahayd waxaynu naqaanay inuu xilka loo igmaday kala wareego wasiirkii laga qaaday xilkaa muddo cayiman oo uu dastuurkuna dhigayo!!waxa kaloo lagu yaqaanay nin xil intaa leeg loo magacaabay sunana ahayd inuu ka jawaab bixiyo magacaabista iyo xilka loo igmadayba!!

Labadaa midna lagama hayo ninkaa odayga ah ilaa xiligan aynu joogno oo haata laga joogo muddo la tuhmi karo inaanu wasiirkaasi shaqaynba,hadaba ma u eegtahay in uu siilaanyo iyo teamkiisuba islahaayeen bal maruun shicibkan yaabani haka nafisaan wasiirkan dhaliilaha badan idiin soo hooyay waa maxamed cabdilaahiye?? balse waa sidii arintii Xarsoore maba dhaadana inay arintu hada uun afar adin yeelatay oo ay dadka inta aadka u danaysa siyaasada arimaha dabada ee somaliland ay su’aalo badan iska waydiinayaan wasiirkii la magacaabay oo aanay qaarkod ilaa hada garanayn,maqalna aragna,qoraalk uu leeyahayna aanay akhrisan.

Waxaan is leeyahay malaha ninkaasi maba oga xilkan loo magacaabay!!haduuba ogyahayna kuma qanacsana ee waa mid lagu xujeeyay.Mida kale miyaanay ahayn cay la ina caayayo marka ay dawladaynu dooranay intay waxay doonto samayso hadana aynu isha xisho arag maqal warkana dhaafuun ku shaqayno,miyaynaan ahayn dadkii dalkan lahaa ee hadii lasoo weerao difaacanaayay? ee dhaxalka u lahaa ?dawlada miyaanan inagu dooran ?miyaanay bariba iska tagayn? miyaynaan aayaha mustaqbal ee dalkeena iyo dadkeenu meeshay ku danbaynayaan inaynu ogaano ahay??

Hadaba anigoo ah Muwaadin aad u jecel dadkiisa iyo dalkiisaba waxaan dhamaan inta ila mawqifka ah ka codsanayaa inay ila baafiyaan wasiirkaas cusub ee la inoogu dhiibay xilka sawaarada arimaha dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis.Mise arintu waa ha maqlaane u maqaarsaar!!

Mida kale yaa inoo haya hawshaa iyo xilkaa wasiirka arimaha dibada? Ileen wasiirkii hore waakan la wareegay hawshiisii wasaarada kalee? waa cajiib mise tollaw xirsibaa inoo haya xilkaas isaga ah anigu madaxweynaha odhan maayee!!

YAA ARKAY,MAQLAY,AKHRISTAY AMABA URIYAY WASIIRKA ARIMAHA DABADA EE SOMALILAND MUDANE MAXAMED BIIXI YAASIN.

Waxaan Kaga Baxayaa Tixdan yar.

boholyoow daraaddiis anoo balagsan oo liita
kana baqaya gabadhi u bandhigay baahi rabitaane
u barreeray baas iyo wanaag kii ka soo baxa’e
balse barasho wacan kala kulmiyo baaq xishood hugane
la billaabay buuro isku xiran badiyo haasaawe
ka badbaadnay boog iyo khilaaf ruuxba ruux bado`e
biya shubadki sheekada kolkaan guur ku wada bowdnay
ballantina barriyo saadambiyo beegan tahay foogta
ee aan beydki lagu dhaqi lahaa daahyada u buushay
ayey wiil bannaannada ka yimid beri ku siiyeene
ayadoo aroos loo barraxay laga balweynaayo
bug damtana gurbaanku uu hayaan soo baraarugaye
bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye
balse waxay su`aal baahin mudan bixisay laabteydu
bud hadaan dhifsado oon darteed boqol u soo laayo
sideen tima bardaaley ku heli bixi adoogeede
baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
Fadlan hadii ay jirto Cidhaysa ama maqashay warkiisa ha igala soo xidhiidho Cinwaanka Hoos Ku Qoran, Amase Ha usoo Diraan Cinwaanada Shabakadaha Wararka Mahadsanidiin.

 

Qalikii Abwaan Maxamed Xasharo.

From France/Nantes

Sharmashaacir09@gmail.com