Baaq iyo Qaylo-Dhaan kasoo yeedhay Beelweynta Sacad Muuse ee ku dhaqan Jubooyinka Koonfura Somalia.

Salaan media_005

 

 

 

 

 

 

 

 

July,16,Kismaayo(SM)Annagoo ah dhammaan cuqaasha, aqoonyahannada, culumada, dhalinyarada,haweenka iyo ganacsatada u dhalatay Beesha Sacad Muuse gaar ahaan Cabdalla Sacad oo muddo qarniyaala ku nolayn dhulkaan Jubbooyinkakuna siganay in nala xudumo siibo, nasiib wanaagse ay ka ab ka ab noo hayeen awoowayaasheen nasabadaan ku abtirsanno ee Subeer awal ayaa maalinka maanta ah waxaan isla garanay inaan u qaylo dhaansano tolkayo oo aan maqalnay inay shirweyne qabsanayso tolweynaha Sacad Muuse ee Somaliland.

Walaalayaal waxaan si xushmad leh idinka codsanaynaa inaad ajendayaasha shirka lagu daro Sacad Muusaha Jubbooyinka waayo sidaad la socotaan waxaa Jubbooyinka ka socda Ethnic cleansing oo dad ka soo qamaamay Puntland, Kilinka5aad iyo Gaarisa ayaa raba inay na moora doogaan oo dhulkaan hantiyaan. Beeshayadu waa beel balaaran oo seddexda gobal ee Jubada Hoose,Jubada dhexe iyo Gedoba degta una badan xoolo dhaqato oo xitaa Ugaaskayaga markii la caleemo saarayay duleedka Kismaayo bartamihii 80aadkii, waagaas tolweynahii u badnaa Isaaq ee ka soo qaybgalay weerahoodii waxaa ka mid ahaa Yurkud iyo Luuq baan idinku maqli jirnee ileyn geeliinu waxuu daaqaa Kismaayo iyo carro Waamo.

Walaalayaal waxaan dhib iyo dheef wadaag nahay tolkayo kale ee Dir gaar ahaa Biyomaal, Gaadsan, Sure, Mandaluug iyo Madexweyne Dir, waxaan qarniyaal daris wanaag wiil iyo abti xidid iyo xigaalo ahayn Mareexaan iyo Digil & Mirifle waana ku qanacsanayn. Nolasha caynkaas ahayd maanta ma ahayno waxaa dhulkii yimmid yay aan dad iyo duunyo kala reebayn, hal tulid kama hayno geelii daaqayay carro waamo iyo duleedka Kismaayo waxaa bililiqaystay nimankaas soo galootiga ah ee la magac baxay Kablalax Tri-angle.

Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa ‘ tol aad hiil waydiisatay tol ma ahan afadaada aad oon waydiisatayna afo ma ahan’, Tolow maanta hiil baan idiinka baahanay oo xitaa afkuba waa hiile noogu hiisha oo nimankaas gaalada Kikuuyu noo soo wadatay ee dhul boobka ah nagala qaybgala iska
dhicintooda. Tol waynaha Isaaq seddex nin baa wax af noogu hiiliyay haynaa nin waa Faysal Cali Waraabe oo mar walba runta ka sheega oo yiraahda anaa uga sokeeya Jubbooyinka nimanka sheeganayay oo baabuurta uga banjartay markii la eryoonay, ninna waa nin mar noogu yimid
Muqdisho oo la yiraahdo Boqor Raabi waxaa nagu maqaalaa Hargaysaa lagu xiray tolbeelay! ninka seddexaad waa nin ka tirsan xukuumadda Xasan Sheikh mana doonayno inaan xusno magaciisa arrimo xasaasiya awgeed, sidaas darteed annagoo taagan tabtii aad soo marteen ee ahayd inaad marti ka noqataan Hargaysa, Burci iyo Berbera qolyana hawaystaan inay sheegtaan ayaan maanta marlabaad codsanaynaa in ilgaara nagula eego war xitaa wax naga yureeya Faroolaha ciidamada ka soo guraya Puntland waa u baahanahay.

Ugu dambeyntii waxaa fajac iyo amakaag nagu noqotay Cuqaal u dhalatay Awdal oo taageertay boobka Axmed Madoobe, si kastaba waa u dhirindhirinay waxaan ka badan waynay inay nimaankaas iska gadayaan Ina Cabdi Iley waayo dadka ay ka hiilinayaan waa dadkoodii kuwa ay u hiilinayaanna waa kuwii waligood iyo waaqood dhacayay. Waxaana leenahay Axmed iyo Faroole waa iskaga filanahay ee waa inta aan meel saarayno Kikuuyaha Kenya. Cuqaasha rer Awdalow ku digashadiinu waa halkii waagii
1990 bilihii dambe markii la xasuuqayay rer Somaliland Maslax Maxamed Siyaad Barre riwaayd iyo heeso loogu dhigayay Boorame,maantana Indeginouskii Waamo Sida Biyomaal, Shiikhaal,Warday, Gaal Jecel, Digil & Mirifle iyo Cawramaleh ayaa qoranayaa taariikhdaas mugdiga ah ee aad dhigteen, annagoo hubno beeshaas sharafta mudan inayna idin la qabin oo horintiinaas saxaafadda ka muuqata keli idinku tahay.

Dadka ku hadlaya magaca Cabdalle Sacad jubbooyinka
1. Caaqil Muuse Xasan Ildalab
2. Eng. Mohamed Cilmi Dhicis
3. Gacan Cabdi Jeerin
4. Faadumo Muunin Ali
5. Saacid laadeer faarax
5. Madina Xasan Koalan
6. Saciid Cali Xabiib
7. Caaqil daauud shiikh Qaasim
8. Dr. Khaled Aden Macalin
9. Layla xasan

 

Salaanmedia/Hargaysa
Salaanmedia@gmail.com