BAAQ SAMAFAL AH

ucid

BAAQ  SAMAFAL AH .

29/07/2013

 

Ujeedo :- u gar-gaaran  Bisha Ramadaan  Agoonta-Derbi jiifka  iyo Cisbitaalada  ay ku jiraan dadka dhimirka wax ka qaba. 

 

 

Sida  aynu  la wada socono waxay ku jirnaa 10  casho ee ugu dambeeyey  bishii  khayrka  badneyd ee RAMADAAN.Haddaba waxaanu ka codsanaynaa dhamaan shacabka Muslimiinta ah,gaar ahaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan :-

 

  1. In ay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan, Xarumaha Agoonta—Xarumaha Caruurta  Derbi jiifka ah ,Dhakhtarada ay jiifaan dad ka Dhimirka wax ka qaba iyo guud ahaanba dadka danyarta ah ee reer Somaliland.

 

  1. Waxaanu la socodsiinaynaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba in Xarumaha Agoomaha,Xarumaha Derbi jiifka ,Cisbitaalada dadka dhimirka wax ka qaba iyo guud ahaanba dadka danyarta ah ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka  Somaliland ay ku sugan yihiin  xaalad adag.

 

  1. cid kasta oo danaynaysa in ay dadkaa waxtar gaadhsiiso,waxaa haboon in ay si toos ah ula xidhiidhaan ,amase ay u mariyaan shaqsiyaadka muxtarimiinta ah ee had iyo jeer u taagan caawimada dadkaa tabaaleysan.

 

  1. 4.    Saxaafada xorta ah ee reer Somaliland gudaha iyo dibadaba waxaanu si xushmad leh uga codsanaynaa in todobaadkan kor u qaadaan CODKA DADKA DANYARTA AH.

 

« NINKA DIBAGA  QALAYEE———-KA DIBIRAY CASUUMEE

DANYARTII  KA QADIYOOW———–DUCO KUUMA SOO HOYAN »

 

 ALLAA                   MAHAD                 LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

                              Xisbiga UCID

abdi_saleiman@hotmail.com.

Facebook : abdi saleiman.

SKype : Abdisaaleiman1

twitter : @_saleiman