BAAQ TAAGEERO WADAREED MUG-LEH OO KU SOCDA GUDIDA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA SOMALILAND

 London(SM)-Anaga oo ah Qurbo-joogta ka soo jeeda Gobolka Saaxil ee cariga Ingriiska ku-nool waxaanu taageero wadareed mug-leh la garab-taaganahay Mujaahidiintaa u-damqadey Qaranka Somaliland oo maanta bohol ku sii socda. Waxaanu leenahay hiil    Baaq Taageero wadareed mug-leh oo ku Socda Gudida Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland

 

  1. London()-Anaga oo ah Qurbo-joogta ka soo jeeda Gobolka Saaxil ee cariga  Ingriiska ku-nool waxaanu taageero wadareed mug-leh la garab-taaganahay  Mujaahidiintaa u-damqadey Qaranka Somaliland oo maanta bohol  ku sii socda. Waxaanu  leenahay hiil iyo hooba waanu idinla garab-taaganahay illaheyna ha-idinku garab-galo bad-baada-daa iyo talo wadareedaa qaran ee aad ka dhawaajiseen.

 

998524_486344434784551_989037635_n (3)

 

 

-Waxay Mujaahidiintu arkeen wadankii oo khatar ku sugan  oo laga leexiyey tubtii toosneyd iyo toobiyihii kaas oo hada wadankii  turun-turoodey oo  taraarey.Waxay arkeen in xukuumadii iska indho iyo dhegaba tirtey xogta iyo xaqiiqda maanta dalka ka jirta.Waxay arkeen tahriibta ba’an ee dhalinyaradii oo aheyd hal-doorkii wadanku ay ku dhamaadeen ilaa iyo hadana ay dhabadii ku sii socdaan oo la dayacey. -Waxay arkeen in maanta Gaadhigii uu Qaranka Somaliland uu saarnaa uu majara-habaabey ka-dib markii uu  wadistiisii, kaxeyntiisi iyo  isteerinkiisiiba uu u-gacanta-u-galey cid aan loo igman oo aan loo dooran oo aan ehel u-aheyn oo bilaa karaamo ah oo  baadi ah. Waxay arkeen in xukuumadii ay kala goysey shakaalkii dawladnimo iyo sunihii isu-hayey wadarnimadii, wax-wada-lahaanshihii, walaaltinimadii iyo wanaagii ka dhexeeyey danta guud ee beelaha iyo shacabka  Somaliland,taas oo ay xukuumadii ku fashilantey in ay shacabka somaliland ka dhigto hal-qoys oo isku duuban oo wadaaga anfaca, kheyraadka maguuraanka ah  iyo mansabkaba  . Waxay Mujaahidiintu iyo aqoon-yahanku  arkeen ka dib markii ay xukuumadii halbeegeedii uu noqdey oo keliya  qab-yaalad qararka jabsatey in ay khatar hor leh ay tahay in ay dib-u-soo laba-kacleyn karto hitaaqadii, riiq-dii, dil-dilaacii, qeyb-sanaantii, xanaftii iyo qabyaaladii sibiq-dhaqaaqdey ee ay reebtey Doorashooyinkii Golayaasha Degaanka ee wadanka ka dhacey 28/11/12 ee ku  dhamaatey sidii xaq-dara, xajiinta  iyo xaaraanta aheyd kadib markii  ay xukuumadu af-duunbtey codkii, rabitaankii iyo ilaadadii shacabkii somaliland.ee xaqa-u-lahaa in ay codkooda si -xor, -xaq iyo xalaal ah ay ugu doortaan cidii ay rabaan.

 

 -Waxay Mujaahidiintu arkeen hawl-wadeenadii xukuumada qaar ka mid ah oo aan markoodii horeba qaadi kareyn xilalkii qoorta loo sudhey oo hadana  ka baxey xeyn-daabkii shaqadooda oo taraarey oo is-dalacsiiyey oo u-baahan in lagu soo dabaalo sharciga iyo tobiyaha toosan.Waxay arkeen xaq-daradii,eexdii, is-kooxeysigii, qabyaaladii, qaraabo-kiilkii oo ay intiiba duluca furatey taas oo keentey in fursadaha yar ee shaqo ee  soo baxa  lagu shaqaaleeyo dad aan kala garaneyn sharciga qaranka, hantida qaranka iyo awooda qaranka iyada oo xaq-daro baahsan lagu sameeyey hal-doorkii dhalinyarada ee Merit-ka Jaamacadaha wadanka kaga qalin-jebiyey.- Waxay mujaahidiintu arkeen in xukuumada awrkii dhiiluhu u-saarnaa in uu dhinac-uun ka sii rarmaayo oo uu dheeli, wabax-taraar,doog-dhabasho,doogin carar, ku-raad-gadasho,ku-fool-dhaqasho, sas iyo sakati uun uu maanta ku sugan yahay oo ka bixi layahay.

 

-Waxay arkeen oo ummadiina la aragtaa in is-xisaabintii iyo xil-gudashadii ay meesha ka baxeen kadib markii ay xukuumadii meel isugu keentey  xeer-dejintii,wakiiiladii,guurtidii iyo xisbiyadii taas oo intiiba ay isku noqdeen  hal-xisbi oo is-xanbaar is-barkan ah oo ay ka dhexeeyaan dano ganacsi oo iyaga uun-u-gaar ah oo aan shacabkii doortey aan anfacaad u-laheyn.Taas oo meesha ka saartey kefedii miisaankii dawladnimo , is-kormeerkii iyo is-dabo galkii iyo shakaalkii  qaranimo,  karaamadii, higsigii, habsami-u-socodkii iyo hawlihii dawladnimona ay ku ragaadeen gacmihii lagu aaminey ee u-dhaartey ee loo doortey- Waxa ay Mujaahidiintu arkeen oo aqoonyahankiina  la arkeen in dhamaan habsami u-socodkii hawlihii qaranku, hadey noqoto wasaarad/ wakaalad ama hayad ay dhamaan wada marin habaabsan  yihiin  ku waas oo aan ku jaheysneyn qorshe-hawleedayadii shanta sanadood ahaa  ( Somaliland National 5 year Development Plan ) qorshayaashaa  oo  waqti badan iyo lacag badan lagu fadhiisiyey laakiin khasaare noqdey maa-daama habka ay hada wax-u-socdaan aanu laheyn  saadaal, hilaad, hadaf, higsasho, odoros , yool  iyo qorshe loo raaco aan intaaba laheyn.

 

– Waxay Mujaahidiintu arkeen Cadaalad daradii oo xadka dhaaftey oo xadhkaha goosatey oo aan ilaa iyo go’aamadii maxkamadaha wadanka aan la fulineyn, Hantidii ummadda ka dhaxeysey oo kolba xawaaladaha  dhinac loogu shubanaayo oo lagu-tagri falaayo oo awoodii dawladnimo loo isticmaalaayo oo lagu kala qaybinayo oo lagu kala iibsanaayo midnimadii ummadda  iyo  golayaashii qaranka, iyo xisbiyadii mucaaridka, dhulkii danta guud ahaa  iyo cuqaashii iyo suldaanadii  beelihii  walaalaha ahaa ee Somaliland oo iyagana la isku kar-baashaayo oo la isku mash-quulinaayo. Waxay Mujaahidiintu arkeen in Xukuumadii ay  jebisey  oo baal-martey  sharciyadii iyo xeerarkii wadanka u-yaaley  bal-hada eega qodobadan iyo xeerarka ay dhawaan dubaha la dhacdey iyada oo aan hareerahaba iska eegin waxay ku  dur-durisey kuna dhaba-bacaysey: Qodobka 39-aad dastuurka qaranka,Qodobka 42-aad faraqiisa 3-aad ee dastuurka. Qodobka 8-aad faraqiisa 1-aad, ee dastuurka qaranka .Qodobka 129 -aad, Xeer Lr 17. ee dastuurka qaranka .Xeer Lr 23 qodobkiisa 34-aad faraqiisa 10-aad ee is-mamulka iyo maa-mul-daa-dejinta dawladaha hoose.

 

Guntii iyo gebagebadii qormadan waxaanu dhamaan, aqoonyahanka, wax-garadka, culi-maa-udiinka, Cuqaasha, Salaadiinta, boqorada, haweenka, dhalinyarada iyo dhamaan muwaadi-niinta reer Somaliland laga codsanayaa in ay taa-geeraan oo soo dhaweeyaan Mujaahidiintaa ku dhawaaqey 10/7/13  Gudida Wada-tashiga iyo Toosinta  Qaranka Somaliland si loo helo midnimo qaran loona soo celiyo shakaalkii u-dhaxeeyey sadexdii dhar-dhaar ee ay ku fadhidey dawladnimada iyo qaranimada Somaliland. waxaana taa ku jirta danta guud ee Somaliland.

 

Alleh ayaa Mahada iyo Mudnaantaba Leh,

Waa Bi-llahi Towfiiq

Gudida Qurbo-joogta ka soo Jeeda Gobolka Saaxil

ee    United Kingdom.

Â