Barnaamij-ka ” Baro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan ” Qaybtiisa 1aad

Barnaamij-ka ” Baro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan ” Qaybtiisa 1aad

July 12,2013

Barnaamij-ka ” Baro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Qaybtiisa 1aad

Hordhac: 

Bisha Soon, waa bil uu Eebbe (SM) dhex yeelay fadli aad u weyn. Bisha Soon waxaa loogu magac daray bishii qur’aanka, taasoo macnaheedu tahay in qur’aanka la soo dejiyay bil Ramadaan., sida ku cad aayad qur’aan ah. Waa bil uu Ilaah furo albaabada Jannada, uuna xiro albaabada Naarta. Waa bil uu Ilaah (sw) ugu magac daray irid ka mid ah albaabada Jannada, albaabkaasoo ay maalinta qiyaame ka soo geli doonaan dadka sooma. Waa bil abuura midnimo iyo iskaashi. Haddaba, sidaa darteed asxaabtii Rasuulka (scw) ee sharafta badnaa waxay ahaayeen kuwii si xiiso iyo farxad ku jirto ugu qaabila bisha Ramadaanka. Aad ayeey u farxi jireen markay u dhalato bisha Soon, dhinaca kalena waxay jeclaan jireen inuu sannadkoo dhammi noqdo bil Ramadaan, si ay uga faa’ideystaan fadliga Soonka.

Macnaha luqadeed ee Soon:

Ereyga Soon waa erey asal ahaan carabi ah, macnahiisuna waa hadal ka af-xirasho. Waxaana laga fahmi karaa oraahdii Alle (sw) uu ku lahaa Maryama Bintu Cimraan (cs): ” Waxaad tiraahdaa waxaan Allaha Raxmaanka ku nadray (sharday) inaan hadalka ka soomo oo cidina lama hadlayo maanta”. Suuradda Maryama aayadda 26. Haddii aan ka eegno macnaha xaqiiqada ay xanbaarsan tahay waa iyadoo laga af-xirto wax allaale wixii soonka afuriya/buriya ee ficil iyo oraahba ah.

Qaybaha Soonka:

Soonku wuxuu u qaybsamaa labo qaybood, kuwaasoo kala ah mid faral (waajib) ah iyo mid Sunno ah. Soonka waajibka ah ayaa wuxuu u sii qaybsamaa ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin:

  1. Soonka bisha Ramadaan
  2. Soonka kafaaro-gudka
  3. Soonka sharadka (nadarka).

Xikmadda Soonka:

Lama soo koobi ujeedooyinka iyo xikmadda Soonka ka danbeysa; waxaana ka mid ah in Illaah amarkiisa loo hogaansamo. In dadka ay dareemaan gaajada iyo darxumada, si ay u xasuustaan khaaliqooda abuuray, sidoo kale inuu ugu naxariisto fuqurada. Ujeedooyinka Soonka waxaa ka mid ah, inuu Illaah dadka simo oo kan taliya iyo kan loo taliyo, maal qabeenka iyo kan saboolka ay si wadajir u dareemaan gaajada oo ay wada sooman yihiin. Soonku wuxuu dhaliyaa midnimo iyo sinnaan, is jeceyl iyo is kaashi, sidoo kale waa cibaado laga doonayo qof kastoo ka mid ah muslimiinta, isagoo markaana buuxinaya shuruudda Soonka.

LA SOCO QAYBAHA KALE EE BARNAAMIJ-KAN ” Baro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan “

Waxaa Qorey : Cabdicasiis Asad Muuse Kibaar 

Salaanmedia.Com