Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Bisha Barakaysan Ee Ramaadaan Oo Caawa Curanaysa Iyo Madaxweyne Siilaanyo Dhambaal Hambalyo U Diray Shacabka

(SM-Hargaysa)               Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meel kastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Debediisaba, Busha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, uguna Bushaararaynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa, ILLAAHAY-na waxa uu uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda.

waxa kale oo madaxwaynuhu uu Dhambaalkan mid la mid ah u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka ku nool.

 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale uu Bisha Barakaysan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn  awoodina aan u lahayn  soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaafo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.




Leave a Reply