BRITISH SOMALILAND COUNCIL+WESTLONDON SOMALILANDCOMMUNITY IYO EAST LONDON SOMALILAND SOCIETY OO HADHIMO SHARAFEED KU MARTI QAADAY PROFESSOR AXMED ISMACIIL SAMATAR.

image
Axaddii ina soo dhaaftay oo taariikhdu aheyd 07-07-2013, ka dib markii ay soo dhamaatay kulankii balaadhnaa ee uu Prof. A.I.Samatar la yeeshay guud ahaan bulshada SL ee London Uk, ayaa waxaa Hadhimo sharafeed si wayn loo soo agaasimay ku qaabilay, Dallada British SL Council + ururka West London SL community iyo ururka East London SL Sociaty, waxaa madashaas ku sugnaa Aqoonyahano,Salaadiin,siyaasiyiin,Ganacsato  iyo xubno ka tirsan qaybaha kale ee bulshda, waxaa isaguna goobta mar danbe yimid  Boqorka Cuudka dabcan waa Xudeydi oo kamankiisii wata.
Jawiga munaasabada oo aad u qurux badnaa waxaa laga soo jeediyey hadalo ad u qiimo badan oo ugu horeyntii uu afhayeenka BSC mudane Cabdilahi Abokor uugu mahadnaqay Prof, Samatar ka soo qayb galka xafladan loo sameeyey oo isugu jirtay Soo dhawayn iyo sagootin madaama uu ku guryo noqonayo USA isagoo ka soo noqday Somaliland, waxaa intaasi raacday in Mudane Iid Xassan iyo Mudane Suldan oo mid waliba uu ku hadlayo afka labada urur ee kale SL West London  iyo SL East London ay u soo jeediyeen Prof, Samatar mahadnaq iyo soo dhaweyn, waxaa sii raacday in Suldan Maxamed Xuseen,Sheekh Dalmar,Xudydi iyo Ambassador Cali Aden Cawale ay iyaguna hadalo qiimo badan ay madasha ka soo jeediyeen.
Guntii iyo gebagebadii waxaa erayo mahadnaq,guubaabo,timaan wax ku ool ah oo uu ku mujiyey sida uu uugu hanweyn yahay inuu wax kasta oo uu karayo u qabanayo dalkiisa Somaliland iyo war bixin isugu jira ka soo jeediyey Prof, Samatar waxaa intaa sii raacday dabcan sidii caadada ahayd  laba heesood oo Axyaa Qaraami , boqorka Cuudka Xudeydi uu si macaan uula helay codka Prof. Samatar, dadkii madasha ku sugnaa ay aad uula dhaceen waayo waayo xusuus dheer mudan, waxayna ku soo dhamaatay  farxad,mahadnaq, is af garad iyo balan danbe oo prof.Samatar ku soo noqonayo London.
Madaxa War baahinta  BSC
Cali xiis