Carruurta Waalidiintoodu Kala Tagaan Oo La Ogaaday Inay Halis Caafimaad Ku Keento Kala Maqnaanshahoodu

Cilmi-baadhista dhakhaatiirta Ingiriiska ah sameeyeen waxa ay sheegtay in qoysaska burbura ubadkooda oo yaryar uu sababo in nolosha dambe ee carruurtaasi halis u galaan cudurro khatar ah, korna u kacaan fursadaha ay ku qaadi karaan kansar iyo wadne-xannuun.

 

Carruurta hooyadood iyo aabbahood kala tagaan inta aanay gaadhin 16 jirka, ayaa la ogaaday inuu ku kordho xaddiga boratiinka la yidhaa C-Reactive (CRP) marka ay gaadhaan 44 jir, boratiinkaas oo laga helo dhiigguna waxa uu kor u qaadaa garaac jidhka ku bata, kaasoo aakhirka isku beddela cudurrada kanasarka amma wadne-xannuunka.

Daraasaddu waxay ku salaysnayd macluumaad laga helay 7,462 qof, taasoo xidhiidh la lahayd cilmi-baadhis laga qaaday carruurta dalka Ingiriiska. Cilmi-badhayaashan oo ka socday Jaamacadda London University College, waxay sidoo kale  heleen in ubadka qoyskoodu ku dul burburo ay waxbarashada ku liitaan. Drs. Rebecca Lacey oo khubaradan ka mid ah, ayaa iyadoo arrintan ka hadlaysay waxa ay tiri ‘Daraasaddayadu waxay soo bandhigtay in furriinku aannu sababin oo keliya xannuunada jidhka la soo darsa qofka noloshiisa dambe, balse sidoo kale uu faa’iido-darro u leeyahay ilmaha. Tusaale ahaan; xagga waxbarashada oo qofku ku liito, taasoo ah wax in badan la ogaaday markii cilmi-baadhisyo qoto dheer laga sameeyey’’. Waxa kaloo Drs.

Rebecca ay tilmaantay in cilmi-baadhistoodu hoosta ka calaamadisay in qoysku faa’iido u leeyahay ubadka caafimaadkooda, wada joogga aabbaha iyo hooyaduna carruurta ka badbaadiyo fursadaha ay ku qaadi karaan wadne-xannuun amma kansar ku dhaca markay weynaadaan.