Ciidamada Deegaaka Sh. Hoose oo gaashaanka u daruuray war ka soo baxay Dowladda Xasan Sheekh

news

Ciidamada deegaanka Shabellada Hoose ayaa sheegay in aysan marna aqbali doonin in Ciidamo ka socda Dowladda Xasan Culusow la dhigo goobihii lagu dagaalamay sida uu soo sheegay wasiirka arimaha gudaha Cabdikarim Guuleed, waxayna hoosta ka xariiqeen is ay ku sii sugnaan doonaan goobahooda.

Afhayeenka Ciidamada deegaanka Sh.Hoose Maxamuud Ookar ayaa u sheegay markanews in aysan marna aqbali doonin in ciidamo ka socda Dowladda ay ku adeegato beesha Galgaduud  la dhigo deegaanadooda sababtana ay tahay in aysan jirin ciidamo Dowladeed oo ay u siman yihiin dhamaan qabiilada Soomaliya, Ciidamad Dowladda ee la sheegayana ay yihiin ciidamo ay ku badan yihiin Hal beel,  sidaas darteed ay yihiin kuwo mar walba u xaglinaya hal dhinac.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in inta laga helayo ciidamo Soomaliyeed oo Soomalida ka dhexeeya ay deegaanadooda ku sugnaan doonaan, Sharafta dadkoodana ay difaaci doonaan.

“hadda waxaa dhibaato ku haya gobolka oo aan dagaal kula jirnaa Goobaale iyo Indhacade iyo Mooriyaantooda, dhaamaantoodna waxa ay ku magacaaban yihiin ciidamo dowladeed, kuwa la soo wadana waa kuwo iyaga la mid ah, marka ma aqbali doono in Maleeshiyadii hore kuwo cusub lagu soo xoojiyo si ay u laba jibaaraan dhibaatada ay dadka gobolka ku hayaan” sidaas waxaa yiri Afhayeenka ciidamada Deegaanka Sh.Hoose.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in arin lala yaabo ay tahay in Cabdikarim Guuleed uu ku dhawaaqo in ciidamo dowladda la dhigi doono goobihii lagu dagaalamay iyadoo aan la xalin dhibaatadii dagaalka dhalisay ama uusan soo bandhigin qorsho dhab ah oo lagu xalinayo dhibaatadii dhacday sidaas darteed ayna marna aqbali doonin Ciidamo Beeleed cusub  oo ku heyb ah kuwii ay horay gobolka kula dagaalamayeen inta ay dowladda ka xalineyso dhibaatada jirta.

Hadalka afhayeenka ciidamada madaniga ee Sh.Hoose ayaa yimid kadib markii wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidamada Dowladda ay sheegeen in ciidamada dowladda la dhigi doono goobihii lagu dagaalamay, si aysan mar kale u soo noqon dagaaladii horay u dhacay.

Salaanmedia/Mogdisho