Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Colaadda Biyaha Niilka (Nile) iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan Saxaafadeed)

Qaybta 4aad. Ethiopia, Masar, iyo Loollanka Biyaha Niilka Xog-Ururin, Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Xidhiidhka Ethiopia iyo Masar waxaa saameeyay markii Boqorka Ethiopia, Ezana uu ku biiray Diinta Masiixiga sannadka 330 (Nebi Ciise ka dib). Muddo 16 qarni ah Wadaadka Kiniisadda Ethiopia waxaa soo magacaabi jiray Aabaha Kiniisadda Alexandria ee Masar, waxaana lug iyo talo ku lahaan jiray dawladda.

Sannadkii 640 (Nebi Ciise ka dib) Muslimiintu waxay gacanta ku dhigeen Masar. Xilligaa Ethiopia waxaa ay damacday inay ku keliyeysato sheegashada, qorshaynta iyo xakamaynta biyaha Niilka. Boqor GLalibela (1190-1225) waxaa uu ku hanjabay in uu leexin doono marinka biyaha Niilka. Waxaana uu hindisay inuu webiga ka leexiyo barta Tekeze Raisvheada halkaasoo webigu kaga darmo Atbara ee dhinaca Suudaan oo uu uga sii shubmo Masar.

Qarnigii 13aad (1273kii), qoraa Qibdi ah (masiixi), Jurjis, ayaa ka digay in la duwi karo marinka biyaha. Sidoo kale, 1510 maalqabeen reer Europe ah, kana soo jeeday Xabashida, Prester John, ayaa ku soo guryo noqday Addis Ababa isagoo uu weheliyay badmareen Portugese ah, Alfonso d’ Albuquerque, kasoo aaminsanaa in biyaha la xidhi karo. Waxaa Masar ka cabsatay in waxyeelo ku timaado Niilka. Taasoo ay kaga jawaabeen inay colaad dhex dhigaan Muslimka iyo Masiixiyiinta si Islaamka loogu difaaco Niilka.

Qarnigii 16aad waxaa qarxay dagaalo u muuqday kuwo diineed. Run ahaantii, dagaaladu waxaa ay salka ku hayeen loollan loogu tartamayay Biyaha. Isla markaa, waxaa shooladda ugu dhacay halyeyga Axmed Guray (Gragn) ee Saldanaddii Adel. Waxaa uu dagaal ku qaaday waqooyiga iyo koonfurta Ethiopia isagoo taageero ka haystay ama ka amar qaadanayay Masar. Sidaa darteed, tan iyo qarnigii 16aad Somaalidu iyagoo diin u jibbaysan waxay fulinayeen dagaallo u adeegayay dal kale (Proxy Wars).

Qarnigii 19aad, si fool ka fool ah, Ethiopian oo uu markaa ka talinayay Boqor Yohannes IV iyo Masar waxay ku dirireen dhaqdhaqaaqa Badda Cas iyo Godanka Sare ee Niilka (upper Nile Basin). Dagaalku waxaa uu soo afjarmay 1876 markii si ba’an Masar loogu jebiyay Dirirtii Gundet iyo Guraa (Eritrea).

Dagaaladii Waayahii Gumaysiga
Sannadahii 1880meeyadii qaybsigii Europe ee Qaaradda Afrika waxaa sii murugtay colaadda Masar iyo Ethiopia. Hingiriisku waxaa uu qabsaday Masar 1882. Ethiopia oo ahayd dalka keliya ee Afrika oo ka madax-bannaan gumaysiga waxaa ay Talyaaniga ku jebisay dirirtii Cadwa (Battle of Adwa) ee 1896. Markaa ka dib, gumaystahu waxaa uu Godonka Niilka ka abuuray dhowr dal oo aan hore u jirin sida. Eritrea, Uganda, Rwanda, Burundi, Kenya, and Tanganika.

Hingiriisku, gacan ku haynta Masar waxaa uu u arkay waddo loo sii mari karo Hindiya oo ahayd dalka ugu hodonsan dhulyowga uu ka taliyo. Waxaa uu Masar u arkay dal carro-san oo haddii loo sugo biyaha yeelan karta wax-soo-saar badan. Niilku waxaa uu ahaa halka keliya ee laga waraabin karo degaamadaa.

Sannadkii 1869 waxaa la dhammaaday Gacanka Suez oo dalka ku faruuray Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Gumaystahu waxaa uu ku dedaalay inay Masar loo dhaafo inta badan Biyaha Niilka. Waxaana uu ka waaliyay cid kastoo faadhfaadha Biyaha. 1929 waxaa uu saxiixay heshiis loogu kooteenayo Biyaha Niilka. Dabayaaqadii qarniga 19aad Masar waxaa lagu qiimeeyay inay tahay jidka loo marayo hodontinimada qaaradda Aasiya.

1898 Faransiiska oo damcay inuu biyo-xidheen ka qodo Fashoda, Niilka Cad ayaa Hingiriisku ku kicyay ciidaamo ka gurmaday dhinaca Suudaan iyadoo uu hoggaaminay Janan Horatio Herbert. Jananku waxaa uu cudud ku muquuniyay Faransiiska, waxaana lagu heshiiyay in aanay soo dhaafin dalka Congo.

Mar kale, heshiiska qoondaynta Biyaha Niilka, 1959, waxaa kala saxiiday Masar iyo Suudaan. Marka laga reebo Ethiopia, dhammaan dalalka Biyahu ka soo rogmadaan waxay ku jireen gacanta gumaystaha. Waxaana ay xoroobeen, Tanganika ama Tanzania (1961), Uganda (1962), Rwanda (1962), Burundi (1962), iyo Kenya (1963). Heshiisku waxaa uu jidaynayay in 99% Biyaha Niilka ay qaybsadaan. Isla heshiiska waxaa loo cuskaday dhismaha biyo-xidheenka sare ee Aswan 1971, biyo-xidheenka Roseires, Blue Nile ee dhinaca Suudaan 1966 biyo-xidheenka Khashm al-Girba, Suudan 1964.

Madaxweynahii ugu horreyay dalka Tanzania, Nyerere, ayaa cabasho weyn ka soo jeediyay qorshahii gumaysiga ee Biyaha Niilka. Sidoo kale, Boqorkii Ethiopia, Haile Selassie ayaa aad uga dacwooday sida aabiga ah ee Madaxweynaha Masar, Nasser uu ugu takrifalay Niilka iyo sida looga dhaariyay dalalkii uu ka soo burqanayay. Boqorku waxaa uu ku guulaystay inuu kala gooyo Kiniisadda Ethiopia iyo tan Masar oo xidhiidhkoodu soo taxnaa 1600 sannadood.Boqor Haile Selassie waxaa kale oo uu qorsheeyay in biyo- xidheenno laga sameeyo Ethiopia iyadoo aan wax talo ah la weydiin Masar. Ilaa $10 malyuun dollar ayaa Boqorku u diyaariyay diraasado ay samaysay xukuumadda Maraykanku 1964 (Land and Water Resources of the Blue Nile Basin: Ethiopia.),

Tallabooyinkaa Boqorku ku dhaqaaqay waxay ka cadhaysiiyeen Madaxweyne Jamal Abdinasser waxaana uu kaga warceliyay, sidii caadadu ahayd, inuu dagaalka Ethiopia u adeegsado Eritrea iyo Somaaliya. Ugu horeyn waxa uu soo kiciyay Muslimiinta Eritrea kuwaasoo bilaabay olole ay kaga baxayaan midnimada Ethiopia. Isla sannadkaa 1964 Somaalidu iyaga oo maqaar-saar ka dhiganaya Ururka Gobonimo-doonka Ugaadeeniya waxay daan daansi iyo dagaal ku qaadeen Ethiopia.

Dagaalada Somaalidu la galeen Ethiopia 1964, 1977 iyo midka hadda laga qorshaynayo Xamat waxaad ka akhrin doontaa qaybta 5aad ee Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania

 

 

TOP




Leave a Reply