Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Cuqaal Iyo Wax-Garad Ka Soo Jeeda Bariga Magaaladda Hargaysa Oo Si Kulul Uga Soo Hor-Jeestay Golaha Wada-Tashiga Iyo Toosinta Qaranka

(SM:Hargaysa)    Salaadiin iyo Wax-garad ka soo jeeda bariga magaalada hargaysa ayaa siyaasiyiinta ku dhawaaqay golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ugu baaqay inay ka noqdaan golahaasi oo ay sheegeen in shuruucda dalka uu baalmarsan yahay, waxaanay intaa ku dareen in talooyinka wax laga saxayo ay leeyihiin dariiqooyin sharci oo loo maro.

 

image

Uga Horeyan waxaa halka ka hadley Oday  Maxamuud faarax “hadaladaa faraha badan ee maal-mahanba socday ,waanu la soconay ,waxaanu leenahay nimankaa la baxay Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka  horta laba kal-madood way idinka dileen golahiina aad ku dhawaaqdeen,Horta kalmadaa Bad-baado way idinka dishay Golahaasi ,waayo meeshii Argagixso ka jirto ayaanu baa la bad-baadiyaa ,Somaliland maanta bad-baado uma baahana ee waxay u baahan tahay Hormarka in laga wada-shaqaeeyo, kalmada Gole la yidhaana way idinka dishay waayo qarankani wuxuu leeyahay qaab-dhismeed Golaha Garsoorka Iyo  Golaha xukuumada iyo golahaa sharci dajinta ,Alayle Haddii gole kale lagu daraayo waxaa lagu dari lahaa Golaha Dhaqanka “ayuu yidhi oday maxamuud faarax.

 

“Dalkeenu maanta nabad-galyuu qabaa ,barwaaquu qabaa Cudar la,aan ayuu qabaa ,maanta looma baahna in dalka colaad laga abuuro ,oo dadka la kala jar-jaro ,waxaa mar walba qurux badan in si fiican wax la isugu sheego,waxaanu leenahay qolada ururka Sharci darada ah ku dhawaaqday walaal urukaa islamaynu ogayn,waxaynu u baahanahay in aan cadawgu ogaanin waxaa hoosteena yaala waayo Somaliland waxay leedahay cadaw fara-badan ,ilaahay waxaanu ka baryeynaa in Xukuumadu ay milgo iyo nidaam fiican dadka ku hagaan”.

 

 

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadley Oday Cismaan Ibraahin Gaba-xaddi waxaanu yidhi” dhawaaqa maanta Nimankaa samaysatay golaha sharci darada ah ka soo yeedhay waa dhawaaq Dhiilo sida ,maana aha dhawaaq nabad sida ,  dhawaaqa ka soo yeedhay nin weyn oo madax ah ee hadan aan Nabad sidin ee dhiilada sidaa horta waa mid subxaano leh ,Waxaanu nimankaa ugu baaqaynaa in ay ka fiirsadaan wixii aan dan ahayn”

Salaanmedia/Hargaysa




Leave a Reply