Daawo Qayb hordhac:Professor Samatar oo maanta London kula kulmay qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland. 07.6.13

Waxa Galabta oo ku begnayd maalin Axad ah 7.6.13 ka dhacay kulan aad u balaadhan oo ay soo qaban qabiyeen labada jaaliyadood ee West London Somaliland Community iyo East London Somaliland Society,kulankaas oo ujeedadiisu ahayd xog -waraysi iyo soo dhaweyn siyaasida Proffesor Axmed Ismaciil Samatar oo booqasho kusoo maray magaaladda London.

Salaan media_005

Kulankan oo aad u xiisa badnaa waxa intii aanu hadalka qaadan Professorku hadalo kooban oo hordhac ah kasoo jeediyey qaar ka mid ah marti sharaftii madasha fadhiyey,Safiirka Somaliland ee UK,Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen,Safiirka Somaliland ee Ethiopia Aadan Nuux Dhuule,Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar iyo Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac oo isagu madasha xidhiidhinaayey. 

Waxa  ugu danbeyntii hadalka lagu soo wareejiyey Professor Axmed Ismaciil Samatar oo khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyey kulanka, khudbadiisa oo taabanaysay dhinacyo farabadan oo isugu jira,Nabadgalyada,Waxbarashada,Cafimaadka,siyaasadda Somaliland iyo arimo badan oo uu si aad u qoto dheer uga waramay.

Waxa aan Insha Allah idiin soo gudbin donaa sawiro dheraada iyo Warbixin ah Video.

 

Xamse Axmed Salaan

Salaanmedia/London