Daawo Sawirada Xabsigii uu ku Xirnaa Nelson Mandela iyo Madaxweyne Obama iyo Qoyskiisa oo booqday Xabsigaasi

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama oo maalmahan Socdaal ku marayay wadamo katirsan Qaarada Afrika ayaa booqday Xabsigii uu ku xirnaa Hogaamiyihii Xuriyada Dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Madaxweyne Obama ay wehliyaan Qoyskiisa ayaa gudaha u galay Xabsigii uu ku xirnaa in ka badan 27-Sano Hogaamiye Nelson Mandela waxa uuna si gaar ah Madaxweynuhu si gaar ah u eegay goobihii uu xabsiga kaga xidhnaa gaar ahaan Qolkii uu Hogaamiyaha sida weyn looga Jecelyahay Dalka Koonfur Afrika ku xirnaa.

Xabsigan oo ku yaala Jasiirada Robben Islands ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sanadkii 1964-kii loo taxaabay, hogaamiyihii madowga dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela, waxaanu Madaxweyne Obama Gudaha u galay qol aad u kooban oo uu Mandela ku xidhnaan jiray.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia. com
Muqdisho Somalia