Daawo Video..Xubnaha Hogaanka Cusub ee Waddani UK oo kulan is-barasho isugu yimi London 21.7.13

IMG_8366

Kulan si heer saraysa loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Xubnaha Hogaanka cusub ee Xisbiga Waddani UK, Madaxda Laamaha Gobolada, Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta Xisbiga ee heer Qaran iyo Xubno fir-fircoon oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Waddani ayaa ka dhacay xalayto oo bishu ahayd, 21 July 2013 hoolka shirarka ee hudheelka loo yaqaan Food Palace oo ku yaala Xaafada Acton ee Galbeedka Magaalada London. Kulankan oo muhiimadiisu ahay

IMG_8390

1) is-barashada Xubnaha Maamulka Golaha Sare ee cusub Xisbiga Waddani Laantiisa UK.

2) Dar-dar gelinta hawlaha baaxada leh ee hor yaala Gudigan la doortay. iyo arimo kale oo badan.

IMG_8230

Ugu horayn Gudoomiyaha Waddani UK Mud. Axmed Cali Naahi ayaa akhriyey liiska Guddi ka kooban Labaatan Xubnood oo noqon doona hawl-wadeenada ugu sareeya Xisbiga Waddani UK, iyadoo xubin walba loo cayimay xil shaqeedkeeda. Waxa iyagauna hadalo qiimo leh madasha kazoo jeediyey Gudoomiye ku xigeenada UK oo tilmaamay muhiimada iyo awooda xilalka loo doortay. Waxa sidoo kale hadalo xambaarsan warbixin iyo dardaaran madasha kazoo jeediyey Hussein-Asad iyo Cabdalla Saleebaan Dafle oo metelaya Guddigii dibu-dhiska iyo dardargelinta ee mudoba ku hawlanaa soo xulista xubnaha hogaanka cusub. Ugu dambayn waxa la isla qaatay in la qabto Shirwaynihii guud ee Xisbiga Laanta UK sida ugu dhakhsiyaha badan si loogu ansixiyo xubnahan cusub ee noqonaya Hogaanka Xisbiga ee UK. Waa kuwan magacyada xubnahaasi iyo xilalka loo igmaday

IMG_8285

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tiro Magaca Xilka
1.
Mud: Axmed Muxamed Ali (Naahi)

Gudoomiyaha UK
2.
Mud:Cabdirahman Cabdillahi Amiin

Gud/xigeenka 1aadUK
3. Mud: Keenadiid Cabdillaahi Jaamac
Gud/xigeenka 2aadUK

4.
Mud: Sheekh Aniis Sh.Maxamed (Darwiish)

Gud/xigeenka 3aadUK

5. Mud: Cabdalla Cali Muuse
Gud/xigeenka 4aadUK

6. Mud: Mustafa Abdillahi Ali
Xoghayaha Guud UK

7.
Marwo: Faakhir Dahir Axmed

Khasnajiga Guud UK
8.
Mud:Qaasim Adan Saleeban

Afhayeenka UK
9.
Mud: Mubarak Hillaac Maxamed

Hanti dhowraha Guud UK
10.
Marwo:Nuura Axmed Naasir

Gud. Garabka Haweenka UK
11.
Mud: Samakaab Cumar Aadan

Gudoomiyaha Dhalinyarada UK
12.
Mud: Muxamed Muxamud Cilmi

Lataliyaha Gudomiyaha UK
13. Mud: Axmed Jamac Xiirey Gud. Gudidda Arimaha Bulshada&Samfalka UK
14.
Mud: Najiib Maxamud Cusman

Gud. Gudidda Siyaasadda UK
15.
Mud: Yusuf Abdillaahi Adan

Gud. Gudiga Dhaqaalaha UK
16.
Mud: Xassan Jamac Ciise

Gud. Maamuuska &Protokolka UK
17.
Mud: Mahdi Jama Rodol

Gud. Gudidda Saxaafadda UK
18.
Mud: Hassan Hussein Roble (Nabaado)

Gud. Gudidda Anshax marinta UK
19.
Muj: Cabdillahi Xassan Maxamud(Dhegawayne)

Gud. Guddiga Abaabulka UK
20

. Mud: Axmed Xasan

Xidhiidhiyaha Guud UK

IMG_8251

Xubno badan oo goobta ka hadlay ayna ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha Laanta UK, Mudane Ahmed Ali Nahi, Gudoomiye ku xigeenada Mudane A/rahman Amiin iyo Mudane Keenadiid Jama, Xoghayaha Xisbiga UK Mudane Mustafe A/llahi, Gudoomiyaha Arimaha Khaaska ah ee Xisbiga Waddani heer Qaran Mudane Husein Asad, Agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada S/land hadeerna ah Xubin Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer Qaran Mudane Mohamud Rage, Mudane Cabdalla Saleebaan Dafle oo ah Xubin Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani, Gudoomiyayaasha Xisbiga ee Laamaha Sheffield iyo Milton Keynes iyo weliba xubno kale oo aad u tiro badan, ayaa dhamaantood ka dhawaajiyey sida loogu baahan yahay in loo diyaar-garoobo Jid dheer oo Qodxan badan si loogu guulaysto himilada iyo qorshayaasha Xisbiga Waddani uu ku doonayo inuu Dalka iyo Dadka wax ugu qabto; qorshayaashaas oo ah kuwa uu Xisbiga Waddani ku mutaystay quluubta taageerayaasha ugu badan ee Gudaha Waddanka S/land iyo dhamaanba Waddamada Debadahaba, waxa guushaas lagu gaari karaana waa Isku-duubni, Dulqaad, Wadashaqayn iyo Dadaal ay la yimaadaan dhamaanba Hogaanka iyo Xubnaha Xisbigu gaar ahaana kuwa Laanta UK.

Kulankii caawa Xisbiga Waddani UK ee London 21.7.13

Shirkan oo ahaa mid xubnahani ku wada Afureen wakhti wanaagsana isla qaateen ayaa iyadoo laga faa’iidaysanayo bisha barakaysan ee Ramadaan xubnihii ka soo qaybgalayi u duceeyeen dhamaan Ummadda reer S/land iyo Shucuubta Islaamka ah ba. Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan, Is-afgarad iyo farxad iyadoo dhamaan xubnihii ka soo qaybgalayna muujiyeen siday diyaarka ugu yihiin dardargelinta hawlaha Xisbiga.

IMG_8244

 

 

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane, Qasim Aadan Saleebaan
kasslmn@aol.com
London, UK.