Dallada SONYO Oo Hambalyo iyo bogaadin balaadhan u diray Masuuliyiinta Dhalinyarada ah ee Madaxweynuhu magacaabay

Hargeysa (SM) – Dallada dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada
Soomaaliland ee SONYO waxay hambalyo iyo bogaadin balaadhan u diraysaa
masuuliyiinta dhalinyarada ah ee Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud Siiraanyo u magacaabay xilalka Qaran.

War-saxafeed uu soo saaray guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Mubarak Ismail Taani, ayaa u dhignaa sidan: “Waxa aanu ku boorinaynaa in ay
muujiyaan xilkasnimo badan, guntigana dhiisa iskaga dhigaan, rumeeyaana riyada
shacabka iyaga oo kaashanaya cududa, cilmiga iyo caqliga dhihin ee dhalinyarada
JSL.
Hayaanka iyo geediga dhalinyarada ee ka qayb galka siyaasada iyo maamulka
dalka hooyo waxa uu u socdaa si xawli ah. Waxa aanu mahad gaar ah u celinaynaa
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siiraanyo oo
masuuliyad badan iska saarayn rumaynta hanka iyo himilada dhalinyarada ee
hogaaminta dalkooda hooyo, xilalkii qaran ee ugu badnaa abidna gacanta u
galiyey, kuna taageeray Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO ololihii wax
ka badanka Xeer #20, kaas oo horseeday in dhalinyarada dalku u tartamaan
golayaasha deegaanka, maantana hogaamiyaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.
Xilalkaas oo dhammaantood u bislaynaya dhalinyarada JSL in ay hantaan xilalka
iyo masuuliyadaha dawladnimo ee ugu sareeya dalka JSL.
Ugu dambeyntii waxaanu ugu baaqaynaa dhalinyarada JSL in aynu gacmaha is
qabsano, dhiirigalino dhaqanka xal-doonka, wada-jirka iyo wadaniyada ku
salaysan, taageero buuxdana la garab istaagno dhalinyarada hantay, loona igmaday
xilalka qaran si ay u rumayn karaan rajada loo qabo, iyaga oo kaashanaya
cududooda dhalinyaranimo iyo awoodaha dawladnimo ee ku lamaan xilka iyo
xasaanada qaran ee la huwiyey.”

Salaanmedia/ Hargeysa Office

SONYO