Dawlada hindiya oo u hanqal-taagaysa hawada(Air Traffic) East Africa iyo xograadin ay arintaa ka wado
Iyadoo baryahan danbe ay isa soo tarayaan dawladaha aduunka ee raba inay ganacsi ama maalgashi ka hirgaliyaan qaarada Africa, ayaa dhawaan safaarada Hindiya ee dalka jarmalku (Germany) martiqaad u fidiyeen Mr Deepak iyo Mr Hussein alishaqi oo ah madaxa sanduuqa horumarinta mashaariicda Africa (African Development Fund) ee kooxda DVK Group
Ujeedada martiqaadkan oo ahaa xograadin iyo wadatashi la xidhiidha arimo badan oo khuseeya socdaalka hawada ee bariga Africa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Hawada iyo duulista ee Hindiya Mr Shri Ajit Singh, wasiiru dawlaha guud ee duulista iyo Hawada K.C Venegopal iyo sidoo kale mareeyaha guud ee shirkada duulista Air India Mr Syed Nasir Ali.
Waxayna halkaa madaxda hindidu talooyin xogwaraysi ah ka waydiiyeen Mr Hussein al-ishaqi arimo kala duwan oo la xidhiidha ogolaanshaha dagitaanka diyaaradaha iyo sidii adeegada shirkadaha duulista ee Hindiya loogu fidin lahaa bariga Africa iyo caqabadaha ka hor iman kara gaar ahaan dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti , Tanzania, Sudan iyo Somaliland.
Dhanka kale waxay madaxda Hindidu sheegeen siday diyaarka ugu yihiin inay u fidiyaan dawladahaas waaxahooga hawada iyo duulista tababaro kala duwan oo ay kor u qaadayaan xirfadahooga iyo aqoontooda kala duwan ee la xidhiidha horumarinta socdaalka hawada.
Waxaa mudan sheegid inayna dawlada Hindiya ahayn dawladii ugu horaysay ama ugu danbaysay ee u hanqal-taagaysa inay la yeelato xidhiidh ganacsi qaaradan ugub (Afrika) oo la rabo in laga hirgaliyo mashaariico kala duwan oo lagaga faa’idaysanayo khayraadka dabeeciga ah ee allaha wayni ku mannaystay.
SYED BASHIIR