Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Sababaha Ay Ciidankoodii Ugala Baxeen Magaaladda Baydhabo

(SM:Hargaysa)    Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa faah-faahin ka bixisay markii ugu horreysay ka bixitaanka ciidamadeedii ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo ku hanjabtay inay sii wadayso dagaalanka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

 

Dina Mufti oo ah Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa u sheegay wariyeyaasha in qorshaha ay kaga baxeen Baydhabo uu ahaa mid horay u degsenaa, balse ay ka go’an tahay inay dagaalka sii wadaan ayna ku wareejiyaan Baydhabo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Waxaa jiray qorshe ah in Itoobiya sannadkan ay soo afjarto howlgalkeedii Soomaaliya. taasoo saldhig u ah inaanu jirin awood milatery oo Al-shabaab ay dad kusoo weerari karto,” ayuu yidhii Mufti.

Ciidamada Itoobiya ayaa horraantii sannadkan ka baxay degmada Xudur ee gobolka Bokool, waxaana degmadaas la wareegay Al-shabaab oo muddo hal sano ah dibad-joog ka ahayd, waxaana tani ay dhalisay cabsi weyn oo laga qabo in Al-shabaab ay la wareegto goobaha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya.

 

 Salaanmedia/Hargaysa