Dawlada Soomaaliya oo Xabad Joojin Dhexdhigtay Beelihii Diriritu ku Dhex Martay Shabeelaha Hoose

news

Marka July 27,2013(SM)-Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saxaafada u sheegay in lagu guuleystay in Xabad joojin la dhex dhigo beelihii dhawaanta ku diriray gobolkaasi.

Md Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa sheegay in Dawlada Somaaliya ay ka hawlgashay sidii colaada labada beelood loo qaboojin lahaa.

’Maamulka gobolka iyo odayaasha labada dhinac waxaan ku guuleysanay in la joogiyo xabbadda oo ciidamo la kala dhex dhigo, dowladda dhexeana wey soo faragelisay waxaana ka codsannay in Marko ama Shalaamnood la dhigo gogol nabadeed,’’ Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha gobolkaasi C/qaadir Maxamed Nuur oo Radio Muqdisho u waramay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay si belaha nabad waarta loo dhex dhigo waa in waxgaradka labada Beelood ka hawlgalaan oo gobolka Xaruntiisa Marko isugu yimaadaan.

Salaanmedia-Marka
info@salaanmedia.com