Dawladda Turkiga Oo Balan Qaaday Sii Taageerista Wada Hadalka Somaliland Iyo Somaliya Iyo Dawladda Muqdisho Oo Natiijadii Soo Baxday Weji Kale U Yeeshay

July 15 2013 Hargeysa(SM)-Dawladda Turkiga ayaa balan qaaday inay sii wadi doonto taageerista wada hadalka u socda dawladaha Somaliland iyo Somaliya, kaas oo wejigiisii labaad toddobaadkii hore lagu soo gunaanaday magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa war-murtiyeed ay ka soo saartay saddexdii qodob ee ka soo baxay wada hadalkii labada dal, waxay ku sheegtay in dawladda Turkigu sii wadayso taageerista wada hadalkan u socda labada wadan. “Dawladda Turkigu waxay soo dhawaynaysaa talaabooyinka loo qaaday horumarinta xidhiidhka u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Somaliya.” Ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka oo intaas ku daray, “Turkigu wuxuu sii wadayaa inuu siiyo dhinacyada [Somaliland iyo Somaliya] nooc kasta oo taageero wakhtiga ay wada hadaladani socdaan.”

Dawladda Turkigu waxa ay kale oo ay sharaxaad ka bixisay qodobadii ka soo waxay wada hadalkaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in hawada Somaliland iyo Somaliya ay si wada jir ah u maamulaan guddi farsamo oo ay xaruntoodu noqon doonto Hargeysa, wada hadalka oo sii socon doona iyo wejiga saddexaad oo la isugu tagi doonto Turkiga 120 maalmood ka dib.

Geesta kale Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalladii dhawaan Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku dhex maray Somaliland, waxayna sheegtay in wadahalladaasi ahaayeen kuwo lagu qancinayey Somaliland. Dawladda Somaliya waxay u muuqataa inay natiijadii shirkaas weji kale u yeeshay.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hogaaminayey weftiga Dawladda Soomaaliya uga qayb-galay wadahadalladii Istanbul oo shalay saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wadahalladaasi ku macneeyay kuwo lagu qancinayey Somaliland, si buu yidhi ay midnimada Soomaaliya uga qayb-qaataan “Wadahadalladii ka dhacay Turkiga waxay ahaayeen kuwo lagu qancinayo Somaliland si ay qayb uga qaataan midnimada Soomaaliya”

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo ka hadlyay qodobbada ka soo baxay wadahadalladaasi ayaa yidhi “Waxaana ka soo baxay saddex qodob oo midkood uu ku saabsanaa maamulka hawada dalka Soomaaliya”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Guddiyo labada dhinac ka kooban ayaa loo saaray sidii ay uga soo shaqeyn lahaayeen habka lagu maamulayo hawada Soomaaliya”

Wasiirka daakhiliga Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxa kale oo uu soo qaaday “Qodoobbadii la isku mari waayay waxaan u dib dhignay shirka soo socda oo ka dhici doona Turkiga 120 maalmood ka dib. Waxaana rajeynaynaa inay ka soo baxaan shirkaas qodobbo wax ku ool ah.”

Salaanmedia/ Hargeysa Office

Geeska