Dawladda Ingiriiska oo ku dhawaaqaysa in la joojinaayo Qaadka (Kat)

newsflash1

Warar ka soo baxaya wadankan Ingriiska ayaa la sheegayaa in dhawaan ay Wasiirada Arimaha Gudaha wadankaas Theresa May ay ku dhawaaqdo Joojinta geedka Qaadka gabi ahaantiisa. Bishii January ee sanadkan 2013 ayaa gudidda xakamaynta maandooraysaasha ee loo yaqaan Advisory Council on the Misuse of Drugs (ACMD) ayaa go’aan ku qaadatay in uu Qaadku aanu maandooriye halis ah aanu ahayn oo aanay ku daraynin mandoorayaasha kale ee la xakameeyo.

qat
Geedka Qaadka

Warkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii dowlada Holland ay joojisay soo dhoofinta qaadka, iyada oo markii hore ba qaadku uu mamnuuc ka ahaa wadamada reer galbeedka badidood.

Wixii faafaahin dheeraad ah kala socda shabakada Salaanmedia.com

 

Warsame Siciid

SalaanMedia UK

London