
Somalinadta Siilaanyo ( maamul) waxay maanta ku sadex sano jirstay hogaan xumo kaga timi xaga sare ilaa ay gaadhay oo ku baahday haanankii dawliga ahaa, iyada ooy laf dhabar u tahay in ay yihiin kuwo lagu soo xulo sifo eexaysi ah . Tan oo mutaysiisay hanaankii maamul ee dalka in uu u degdego xalad aanu ka soo kaban karin (the country has been fast tracked to face life’s most unpleasant experience). Hogaan xumada siyaasada Siilanyo iyo kuwa sidaa lagu soo xulo waa taa ay kala saari kari la yihiin masiirkii dalka ee ay leeyihiin waxaan Somalia waydiisanay in ay noo aqoonsato Maamul hoosaad iyo waxa afka qalaad lagu yidhaah Defacto Status ama Specaial Status inaan helno oo noo aqoonsadaan !
Waa suaale yaa la waydiistaa taa ! Ma Somalia ood kala godeenba yaanay sharci garoobin be , mise Ururada kale ee jira iyo Dawliga kale
Xagaynu Jooganaa ! Xagaynu Maraynaa Ma ingaa Wax inga dhiman yihiin oo sida ku cad Montevideo Convention on the Rights and Duties of States aan soo dhamaystirin shurdahii Qaran iyo dal lagu noqonayay
Miyaanay ahayn dad wax uun ka fahasan sooyaalkii taariikh iyo diplomaci ictiraaf raadin ee dalkani soo maray ee dawladahadii u kala horeeyay ilaa laga bilaabo dhaqdhaqaayadii ugu horeeyay ee ahaa in xaga UN officeka aqoonsi laga doono kaas oo soo afjarmay sanadkii 2004 markii UN u aqoonsadeen TFG in ay tahay cida qudha ee wakiil ka ah waxii jamhuuriayda somalia laysku odhan jiray taas oo markiiba dardar gelisay in dawladii markaa jirtay in ay u gudbiso codsi ka mid noqosho AU bishii december 2005, kaas oo ahaa mid AU dood badan ka dhex abuuray sababna u noqoday in gudi xaqiiqo raadis ah u soo diiraan isla sanadkaa lagu jiray dalka kuwaas oo si cad warcelintoodii danbe ku muujiyay siday Somaliland qaran ahaan u buuxisay shuradaahii looga baahnaa. Intaas oo dhaqdhaaq oo laba iyo mid aan ka soo qaatay oo dibloomasiyad ahaa maxay daba socdeen oo raadinayeen ma Defacto mise Special Status Maya!
Miyaanay wax nuqul ahna ugu iman xafiisyadii ay u yimadeen mise anigaa sida ah oo wax tixraac ah aan isaga tegin mise is indho tirkaa ah wax camal inoo ah iyo anaa jab la magaan! Isna ma Cadho iyo dadka tus baa halkaa la martay Wasiirkii hore ee arimha dibada oo aan u filayo ruux kala saari kara labada odhaah kala fasiran kari lahaa se waxaan leeyahay haday kaa ahayd taa hore alayle lagula arag !
Isku soo wada duub ma sidan baa la odhan dadka ku mushxarada sadex sano oo badhaadho ah baa lagu jiray taas oo ah qawda maqashii ,Qof aan caadi ahayn uunbaa u mushxarada guul daro,welina fila inaan dadku u arag . Waxaa dhab in xilkas badan oo umadan sharaf iyo haldoorimo ku leh maanta aanay diyaar u ahayn in ay wax ku darsadan xumada Sillanyo oo ah mid ay la wadagi lahaayeen danbigeeda taas oo baday inaanu ku xisaabtamin i in ay hareerihiisa ka muuqdaan sidii ay xiliyadii mucaaradika uga muuqan jireen iyaga oo si uun u filayay in dalkani isbel u baahan yahay.
Se si (hogaan xumadan ) looga baxo waxaa dhab ah in loo bahan yahay in dalkan loo kaco oo aan lagu eegan rag iyo dumarba lana sugin inta fandhaal iyo xeedho kala dhacayaan from bad to worse
Waxaan filayaa ku dhawaaqaistii Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka in ay tahay uun mid ka mid tii ugu horaysay ee umadan qaranimadeeda lagu badbadinayay ,Se ma aha tii ugu danbaysay.
Faarax Colow Maxamed
Academia
Olso Norway
abosheekh@yahoo.com