diiwaangelintii codbixiyeyaasha doorashooyinka ee Madaxweye Silanayo laalay oo caqabad ku noqtay hab sami u socodka nidamka dimuqraadiyadda Somaliland

image

Hargyeysa()Komishanka doorashooyinka,iyo  xisbiyada qaranka ayaa meesha ka saaray suurtalnimada doorashada madaxtoyadda iyo Baarlamanka in lagu galo diwangelin gelin la aan, islamarkana la sammeeyo diwangelinti codbixyasha ee Madaxweyne Silaanyo laalay doorashadi golah deeganka ka hor.

.

Waxeyna qoraalkooda ku yidhaahdeen,“Baahidayada degdegga ahi waxa ay tahay in lagu qabto doorashooyinka oo dhan waqtigooda iyo taariikhda loo dhigay iyada oo aanay jirin dib u dhacyo si loo dhawro macnihii iyo noloshii geedi socodka dimuqraadiyada oo aanu ugu lumin dib u dhacyo iyo waqti fidsi sidii hore u dhacday.

“Kulanno dhawr ahaa oo qabsoomay toddobaadadii la soo dhaafay oo ay ka qaybgaleen dhamaan dhinacyada daneeyaa sida NEC, MOI iyo saddexda xisbi siyaasadeed ee Kulmiye, UCID iyo Waddani waxa si qoto dheer loogu lafagurey arrimaha la xidhiidha hirgelinta mashruuca diiwaangelinta dadka iyo sida ugu dhaqso badan ee uu ula jaanqaadi lahaa doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo baarlamaanka ee sannadka 2015.”

Kulamadan ay yeesheen xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinku sida ku cad qoraalkooda waxa ay ka soo saareen qodobada ay ka mid ahaayeen:-

• In howlihii wada jirka ahaa ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo dadweynuhu qaatey waqti dheer dhamaystirkoodii, isla markaana liistadii lama huraanka u ahayd diiwaangelinta codbixiyeyaasha dib u dhacayso oo aanay la jaanqaadayn waqtiga loo qariray in ay qabsoonto doorashooyinku.

 

• In doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka oo mar la wada qabanayo bisha Juun 2015 sida uu dhigayo xeer No. 37 uu sheegayo in la helo liistada diiwaangelinta godbixiyeyaasha ugu yaraan lix bilood ka hor waqtiga la qabanayo doorashooyinka.

• In Komishanka iyo asxaabta ay uga soo baxday wada hadalkoodii in aan liistada codbixiyaasha lagu heli kareyn waqtigii loo baahnaa marka la eego sida howluhu u socdaan. Sidoo kalena dhaqanka reer guuraaga iyo isbeddelada xilliyeed ee roobabku ay dib u sii dhigayaan howshii diiwaangelinta dadka iyo in lagu helo waqti liistada codbixinta oo la wada aqbali karo.

 

• In aan howsha diiwaangelinta dadka iyo codbixiyeyaasha aan laga saari karin siyaasadeynta, iyaga oo sababtuna tahay dabeecadda siyaasadeed ee jirta.

• Waxa jirta in gudo iyo dibadba si xooggan looga walaacsan yahay La’aanta liistooyinka diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka mustaqbalka si aanay u soo noqon dhibaatooyinkii iyo khaladaadkii soo waajahay dalka xilligii doorashooyinkii dawladaha hoose ee 2012.

Ugu dambayntii waxa ay dhinacyada ay khusaysaa isku raaceen in lagu qabto doorashooyinka waqtiga u cayiman isla markaana la helo liistada diiwaangelinta codbixiyaasha oo la wada aqbali karo.

Sidaa darteed, waxa si dhamaystirin la iskugu waafaqay in xubnaha guddida hoggaaminta dimuqraadiyadda laga codsado inay dib u eegto arrinta, ayna taageerto in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliyo hawlaha is barbar socda ee diiwaangelinta dadka iyo codbixiyeyaasha iyada oo aan la qalindaareyn mashruuca tijaabada ah ee hadda socda si loo fuliyo ujeedooyinka waqtiga dheer ee diiwaangelinta rayidka, isla markaana loo gaadho hadafka iyo ujeedooyinka laga leeyahay in waqti lagu helo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda ee 2015.

Salaanmedia/Hargaysa