Dilka Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Yaaqshiid oo lagu eedeeyay Ururka Al Shabaab

news-image1

Ururka Al Shabaab ayaa waxaa si adag loogu eedeeyay dil casar liqii galabta loo geystay haweeneydii Gudoomiye Ku Xigeenka ka ahayd Degmada Yaaqshiid Raxma Daahir Siyaad.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Maamulka Gobolka Banaadir Muxudiin Xasan Jurus, oo caawa la hadlay Idaacadan Danan ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu marka hore uu xaqiijiyay dilka haweeneydaan.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inay dilka haweeneydaan geysteen ilaa seddex nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab sida uu yidhi, kuwaa oo sida uu xaqiijiyay baxsaday dilka kadib.

Muxudiin Xasan Jurus ayaa wuxuu wax iska cad uu ku tilmaamay in dilka Raxma Daahir, ay ka dambeysay Al Shabaab, oo sida uu sheegay ka soo horjeeda nabadda ka jirta Magaalada Muqdisho.

Muxudiin ayaa wuxuu kaloo sheegay in Al Shabaab ay cadow ku tahay dhamaanba Ummada Somaliyeed oo idil, isla-markaana ay geysaneyso dilalka abaabulan ee dalka ka dhacaaya.

Mr. Jurus ayaa wuxuu xusay inay ku raad jooggaan raggii dilka haweeneydaan geystay, kuwaa oo sida uu sheegay ay gacanta ku soo dhigi doonaan, Cadaaladana ay horkeeni doonaan, sida uu yidhi.

Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeedhay Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid, ayaa waxaa caawa jira hawlgalo ay Ciidamada Dowladdu ka wadaan Degmada Yaaqshiid.

 

Salaanmedia/Mogdisho

 
Â